|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: Dawlada Ruushka Oo Ciraaq Siiyay Diyaaradaha Dagaalka Ee Sukhoi -25.
June 30, 2014 - Written by Wariye:Baqdad (Wajaalenews):- Shanti diyaaradood ee ugu horeeyay dufcad diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi -25, ayaa gaadhay dalka Ciraaq, waxaanay qayb ka yihiin ilaa labaatan diyaaradood oo nooca dagaalka ah, oo hore Ciraaq uga iibsatay dalka Ruushka, balse Maraykanku ku dhex dhacay. Diyaaradahan ayaa Ruushku sheegay in toban ka mid ah uu dawlada Ciraaq farta ka saari doono, maalmaha soo socda, shanti diyaaradood ee ugu horeeyayna isla shalay ay gaadheen magaalada Baqdaad. Afhayeen u hadlay wasaarada gaashaandhiga dalka Ciraaq ayaa war-saxaafadaad uu soo saaray axadii shalay, waxa uu ku sheegay in gurmad saaxiibtinimo dalka Ciraaq ka soo gaadhay waddanka Ruushka, kaas oo sida uu tilmaamay wax wayn ka tari doonta awooda ciidamada Cirka ee dalka Ciraaq. http://youtu.be/6zr3fnVXC4U Hargaysa Office Related posts:Wasaarada Arimaha Dibada Jsl Oo Jawaab Ka Bixisay Go,aamadii Kasoo Baxay Urur Goboleedka Igad Ee Dh... DAAWO;-Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Xeerka ka Ganacsiga Iyo Tahriibin... Madaxwaynaha La Doortay Ee Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Baarlamaanka Midawga Yurub COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|