Umadaha Ilaahay dhulkiisa balaadhan ku abuuray qaarba wax ayay ka dhaxleen dadkii ay ka soo tafiirmeen, ha loo kala nasiib badnaado xadaarada iyo horumarka eh. Soomaalidu laba shay ayay dhaxal u heleen, siday aniga ila tahay aqoontayda. Waa shayga koowaad eh, xoolo jir nimo. Shayga labaad na waa xoriyatul qawlka ama hadalka xorta ah. Haddii aan si kale u dhigo na afka oo lagu ciil baxo. Runtii, waa laba shay oo qaali ah, inkasta oo aynaan qadarin. Aasaaska nolosha xoolo jir nimadu waa sahan, socdaal iyo geedi, waana ta horseeda in qofka xoolo jirka ahi darso dabeecadaha degaanka uu ku nool yahay iyo dadka uu la dhaqan yahay. Nolosha xoolo jir nimada oo ah mid adag awgeed, ayuu xoolo jirku ku khasban yahay inuu dul u yeesho, xalna u helo marxalad kasta oo la soo derista.
Soomaalidu waxay ku faantaa af iyo suugaan qani ah, waxa se aynaan is weydiin halka ay ka soo jeedaan. Anigu markii aan qiyaasay waxaan is idhi nolosha xoolo jir nimada ayaa sal u ah af-ka iyo suugaanta qaniga ah ee aynu ku faano. Waxaan maalmahan oo ay xamaasad siyaasadeed oo kululi ka jirtay Somaliland akhriyay maqaalo iyo faalooyin badan oo dadku isku weydaar sanayeen goleyaasha Internetka, waana ta igu curisay qoritaanka maqaal kan. Runtii, akhriska maqaaladan iyo faalooyinkani waxay ii kordhisay aqoon badan oo iga maqnayd. Dadka fikradahooda ku dhiibanaayay maqaalada iyo faalooyinka aan akhriyay ayaa qof ba si u dhiibtay. Mid baa galay faalo iyo qoraal dheer oo sidaan filaayo wakhti badan ka qaatay, mid baa gabay ku dhiibtay midna wuxuu ku cabiray fikirkiisa maahmaah kooban oo dhowr erey ah. Waxa aan aad u xiiseeyay maahmaah yada ay dadka qaar ku cabireen aragtidooda. Waxaa ii cadaatay, aanan garowsaday dhowr shay.
Waa ta koobaade in nolosha xoolo jir/dhaqato nimada ee aynu dhaxalay, laakiin ka faanaa tahay mid qiimo badan, faa’iidooyin badan oo aynaan dareensanayna aynu ka dhaxalay. Waxaan dib u dhugtay macnaha iyo miisaanka ay ku fadhiyaan maahmaah yada aan xiiseeyay. Waxaan rumaystay in aanan si kasta oo aan wax u barto ama aqoon kasta oo aan yeesho, aanan curin karin maahmaah yadan oo kale iyo kuwo u dhow toona. Waxaa ii cadaatay in dadkii curiyay ahaayeen dad aqoontoodu meel fog gaadhsiisan tahay. Waxaan isku dayay in aan qiyaaso waxyaabaha u suura geliyay aqoonta heer kaa fog gaadhsiisan. Waxaan garowsaday in ay aqoontan heer kaa fog gaadhay, suura gelisay nolosha xoolo jir nimada ee ay sedka u heleen. Waxaan isku deyay in aan dib u raad raaco sida ay nolosha xoolo jir nimadu u suura gelisay aqoontan fogaatay.
Nolosha qofka xoolo jirka ah ayay kow ka tahay in uu xafido magacyada xoolaha uu jiro oo dhan, tiradoodu intay doonto ha leekaatee. Tirinta xoolaha uu jiraa waa mid joogto ah. Taariikhda neef walba, sida hooyadii in ay caano badis ahayd iyo inay gabno ahayd waa mid uu korka ka hayaa. Waxaa intaa u dheer in uu aqoon fiican u leeyahay dabeecadaha degaankiisa iyo dadka uu la dhaqan yahay . Jiritaanka noloshiisa iyo nolosha xoolihiisu waxay ku xidhan tahay aqoonta iyo khibrada uu u leeyahay xoolo jir/dhaqato nimada oo ah mid salka ku haysa foojignaan, fiiro dheeri iyo saadaal. Taas ayaana ah ta curisay suugaanta qaniga ah ee aynu dhaxalay. Markii aan u fiirsaday suugaantan qaniga ah ee aynu dhaxalka u helay waxaa ii soo baxday in curinteedu door weyn ku lahayd xoriyatul qawlka. Waxaa cadayn ii ah sida ay maahmaah waliba uga turjumayso dhacdo sida, (qof soori kaa qaaday, waa qof seefi kaa qaaday), (xaajo daaman la qabtay leedahay ee dabo la qabto me leh), (mar i dage Alle ha dago, mar labaad i dage se anaa dagan) iyo (habar habar loo waayay waa hoga loo jiid).
Teeda kale, in kastoo nolosha xoolo jir/dhaqato nimadu tahay mid adag haddana waa nolol xor ah. Socdaalka iyo socodku ma koriyaan keliya dhismaha jidhka iyo quruxda qofka ee waxay kaabaan il-dheer garanshaha, waxaanay kobciyaan isku kalsoonida iyo garashada. Waa tii la yidhi (qof aan dhul marini dhaayo la’). Nolosha xoolo jir/dhaqato nimada ayaa ah mid xoriyadi ku ladhan tahay bacdamaaba uu xoolo jir ku yahay qof socda oo aan meelina celinaynin, meel alla meeshii xoolihiisu galaana ka daba galaaya. Tan ayaa iyana door ka ciyaartay korinta suugaanteena qaniga ah.
Sidaan qiyaasay xoriyatul qawlka ama hadalka xorta ahi maaha mid cidi inoo keentay ama aynu soo amaanaysanay ee mid aynu dhaxalay sida aynu ka dheehan karo suugaanteena qaniga ah, waxaana waajib ah in qof kasta oo inaga mid ahi koolkooliyo.
Maahmaah da aan qoraal kayga magaca uga dhigay (Biyo af-kaagaa lagaga dhergaa) oo aan u turjuntay (af-kaagaa lagu ciil baxaa) ayaa tusaale u ah in xoriyatul qawlku yahay mid aynu dhaxalay.
WSC
©Amina Souleiman
aminasouleiman@gmail.com