- Saaka waa Arbaca
Kulankii awliyada
Waa ayaan roob da’ayaa
Aradku uu furanyay
Ilaahay baan baryayaa
Ee umadaay dhamidiin
Aqbaltu ii dhaha oo
Aamiinta iigu naqtiima
Aaaaaaaaaamiiiiiiin
Boqorkii Awliyadoow
Abaadirkii ka horeeyayoow
Awowgaygii amranaa iyo
Inankiisii ka yaraayoow
Awliyooy dhamidiin
Isu soo urura, urura, urura
Oo aqalkayga imaada
Alaylkaa ila joogoo
Agtayduun ka xadreeya
Arrin weyn, weyn oo muhiim ah
Inuu Eebe ka yeelo
Ilaahay iiga barya
Ajiib ii dhaha oo
Aamiin ta iigu naqtiima
Aaaaaaamiiiiiiiiin
Aska waaga Khamiista
Arligii u jarmaada
Oo Hargeisa abaara
Kulmiye feedh ku asqeeya
Rug, ram, rug, ram, rug, ram
RRU da garaaca
Umaddii baa ka cabaadoo
Albaabadii furi weydey
Dhallaankii baa ka ooyay
Oo aragooda nacay
Inkaaray galayaane
Axankooda jara
Oo abaalkood mariya
Nimankaa
orrinaaya
Sidii ey dheregtay
Af-miinshaariinta ahee
Aan abaalka lahayn
Uurka ayaan ka nacee
Askaxooda guroo
Aakhiro u taxaaba
Xirsi iilka ku tuura
Oo ifka yaanu ku ceeshin
Ahbalkaa isla booday
Awooda is bidayaa
Isagaa wax qasaayoo
Eeboow waad aragtaaye
Ololkeeda Jaxiima
Irsiqiisa ka yeel
Daayin uu ku abaado
Iloohow waad aragtaa
Adigaa ka markhaatiya
Aaya xumaduu talinaayo
Ee munaafiqiinta agtooda
Aqalkiisa ka yeel
Abu Lahab uu la dersaa
Fircoon uu ag fadhiisto
Oy abeeso cuntaa
Muusihii dadka aasayna
Iilkii uu qodayay
Isagu uu ku dhacaa
Odaygii Bisadoole na
Aarkii uu meesha ku haystay
Ee ubadka uu ku diraayay
Ilaahoow ku salid
Oo afka uu gashadaa
Aragiisa la waayo
Ilaahoow waan ku baryay
In haweenku is raaco
Adkaadoo quwad yeesho
Raga ay irdhiyaan
Irbad ay ku mudaan
Sida awrta rartaan
Dalka ay ka eryaan
Araweelo timaado
Arrimisoo taliso
BILLISLAND la asaaso
Udubkeeda la taago
Arladu ay xasisho
Dadku uu intifaaco
Adduunka baasha ka raaco
Eeboow waan ku baryee
Ducadayda aqbal
Ay dhabowdoo la arkaa
Umadaay dhamidiin
Aqbaltu ii dhaha oo
Aamiin ta iigu naqtiima
Aaaaaaaaamiiiiiiiiin Yaa Rab
WSC
Amina Souleiman
aminasouleiman@gmail.com