malaha waxaa fiican in dadkaba layidhaahdo soo guura ha arkaan dhibta iyo waayaha yaala YURUB waxaana la yaaba HOOYO AMA AABO
Waxaan salaamayaa dhammaan shacabka iyo saxaafadda waxaan saaka
la sare kacay dhibta aafada tahriibta oo dhallinyadaii, iyo dadkii dalkii ka soo qulqulayaan oo
dalkii iyo rajadiiba iska dhigay, waa wax aad u cajiiba in dalkii dhammaa la naco oo loo naco meel aan
waxba kayga soo horayn oo annagii joognay aanu kasoo jeedno, malaha waxaa fiican in dadkaba layidhaahdo
soo guura ha arkaan dhibta iyo waayaha yaala YURUB waxaana la yaaba HOOYO AMA AABO aan waxba hayn
oo lagaga nixinayo magafe oo leh soo dhiib 5,6 ama 7 kun oo doolar waa wax cajiiba oo laga naxo
waxaan ka codsanaynaa hay,adaha socdaalku inay xoojiyaan xakamaynta socodka, ama joog taynta ilaalinta xuduudaha dadkani maraan,
Ahmed h Dubbe
Sweden