War Deg Deg Ah Muuse Biixi Cabdi Oo Shaaca Ka Qaaday In Uu U Tartamao Jagada Madaxtinimo Ee Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah Muuse Biixi Cabdi Oo Shaaca Ka Qaaday In Uu U Tartamao Jagada Madaxtinimo Ee Somaliland
May 4, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa Markii Ugu Horaysay Tan Iyo Intii Dib Loogu Soo Doortay Hogaanka Xisbiga Kulmiye Ku Dhawaaqay In Uu U Sharaxan Yahay Jagada Madaxtinimo Ee Doorashada La Filayo In Ay Ka Dhacdo Somalland Sanadka Fooda Inagu Soo Haya Ee 2015,

Hadalkan Ayaa Uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ka Sheegay Mar Uu Maanta U Waramayey Idaacada Bbcda Lanteeda Afka Soomaliga,

Hadalkani Kasoo Yeedhay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Ayaa Ku Soo Beegmaya Iyada Oo Dabayaaqadii Todobaadkii Aan Soo Dhaafnay Dib Loogu Doortay Gudoomiyaha Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye,

Sidoo Kale Waxa Jira Warar Maalmahan La Isla Dhex Mareyey Tan Iyo Intii Uu Dhacay Shirwaynahii Kulmiye Oo Sheegayey In Ay Jiraan Rag Kale Oo Iyagu Laf,Ahaantoodu Ka Tirsan Hogaanka Kulmiye Oo Uu Hankoodu Gaadhsiisan Yahay In Ay Isku Sharaxayaan Jagada Dalka Ugu Saraysa Ee Madaxtinimo

 

Wahaalenews.Net

Hargeisa/Office

COMMENTS
LINKS