|
|||||
WAJAALE NEWS
Nuxurka Khudbadii Uu Guddoomiyaha Haatuf Ka Jeediyay Munaasibada Xuska Maalinta Xoriyada Saxaafada
May 3, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS);Markasta oon arko muuqaalkan quruxda badan oo kale ee aynu hadda ku fadhino waxaan xasuustaa galabtii u danbaysay ee aynu halkaa buurta kala jeexan ka soo galnay, January 31-keedii 1991-kii sawirkii ay magaaladdani lahayd iyo waddankoo dhamiba sidii uu u ekaa. Waxaan ku idhi intaan ogahay maya laakiin wax badan oo ku dhawdhaw ayaa dunida soo maray lamma aragse meel ilaa garaa’idka sabbadda lagala baxo. hase yeeshee mujaahidkaas iyo aniguba iyo xaqiiqo ahaan dhamaanteenba inagamay qasnayn oo waxaynu ku faraxsanayn in waxkasta oo dhacay aynu ku liqnay guushii ina raacday iyo xornimadeenii aynu soo ceshenay, anigu maalintaas waxaan hoos iskugu lahaa Ilaahay guushii idin siiye waa inaad dalkan wax ka dhigtaan, wax cusub oo leh sawirkii aad u soo halganteen si uu u noqdo dal jiilasha soo kacayaa si fiican ugu noolaadaan. Waxaa figradaa hirgalinteeda ila fahmay oo igu taageeray mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo markaa noqday madaxwayne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland oo xor ah. Dabcan waxa inaga dhiman Idaacadihii oo aanay jirin sabab alaale sabab ay xukuumad Somaliland ahi inoogu diido ama inaga doonto inaynu furista idaacada madaxbanaan fasax uga qaadano. Shaki kuma jirro in xukuumaddani taariikhda ku gali doonto xagga xoriyatul-qawlka tii ugu cadaw-sanayd ee dalkan soo marta inay tahay. ninka magac-xumadda ugu wayni ka raacaysaana waa Axmed Siilaanyo oon la odhan karin isagu kuma jiro ama waxba kama ogga xasuuqan ay Ad-naabtiisu ku fulinayaan xoriyadii saxaafadda iyo hay’adihii warbaahinta ee madaxabanaanaa. waxa nalagu haystaa maxaad dadka u tusteen musuq-maasuq jira oo aanu wax ka qornay markii aanu u kuur galnay ee aanu ogaanay inuu wasiirka macdanta iyo tamarta dhex-fadhiyo oo markii danbena baadhitaankii nala galey wiilkan yar ee Baashe Cawil iyo awoodahan qayrul-sharciga ah ee uu ku yeeshay madaxtooyadii wadanka looga talinayey. Sidii Sakaaradii la yidhi saallo-muuqatay aas-aastaa ayey is yidhaahdeen musuq-maasuqii ku tagri-falkii awoodda dawladeed ee la wada arkaayey qarriya, kolkaasay Haatuf albaabada u laabeen oo ay xaruntii guud askar ku wareejiyeen ilaa imikana ay haystaan, kolkaasay mad-bacadihiina u hanjabeen oo ay ku amreen inaanay daabicin wargeyska, kolkaasay haddana amar kale maxkamadda ka soo goosteen oo ay xayiraad ku soo rogeen Website-yadii Haatuf iyo Somaliland Times. Cidda sidaas u Cabban ee dayrta noocaasi ah lihi awalba istaahil may ahayn inay ka soo ag wareegto xukunka dalka, mana noqonayso warbaahinta madaxbanaani mid dadka war uga dhigta in madaxwayne dabaashay horumar u keenayo ee waxay noqondoontaa mid dadka uga wakiil ah inay dawladda indhaha ku hayso oo si xor ah oo xalaal ah ugu soo waranto. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO;Gudida Qaban Qaabada Aaska Taliyihii Hore ciidanka Booliska Marxuum Cilmi Kabaal Oo Shaaciyay ... Duuliyihii Diyaarada Qadar Airways Ka Hadlay Halis Ay Ku Galeen Hawada Somaliya Kadib Markii Maamulk... Ciidamada RRU Iyo Militariga Oo La Wareegay Gabi ahaanba Wasaarada Biyaha Somaliland Iyo Amarka Sobo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|