Madaxweynaha JSLAxmed Maxamed Silaanyo Ayaa Manta Shacbiga Caasimada kula tukaday Masjidka Rusheeye ee Badhtamaha Hargeisa.DAAWO SAWIRO, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSLAxmed Maxamed Silaanyo Ayaa Manta Shacbiga Caasimada kula tukaday Masjidka Rusheeye ee Badhtamaha Hargeisa.DAAWO SAWIRO,
May 16, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo  ayaa la tukaday Shacbiga Caasimada Hargeysa qaar ka mid ah kuwaas oo uu kula tukaday Masjidka Rusheeye ee Badhtamaha Caasimada.

Madaxweynaha oo sidii caadada u ahayd maalmaha farxada Islaamka awgeed shacbiga Somaliland Yar iyo Weynba la qaybsada Farxada Ciidaha ayaa ku soo beegmaysa xili ay bulshada Somaliland u diyaar garoobeen Xuska Sanad guurada 23aad ee Gooni isu taaga Somaliland.

IMG_5557 Madaxweynaha oo aanay haba yaraatee la socon ciidamada amaanku ayaa ku baxay kuna soo maray wadooyinka Caasimada laba gaadhi oo keliya.

Mana aha markii ugu raysay ee Madaxweynuhu uu sidan oo kale ula tukada shacbiga isaga oo bilaa ilaalo ah, balse waa mid soo noqnoqonaysa tusaale buuxana u ah Nabadgelyada ay Somaliland ku naaloonayso hormuudkana ay ugu tahay mandaqadan aynu ku nool lahay ee Geeska afrika

IMG_5577IMG_5591IMG_5591IMG_5593

 

WAJAALENEWS DESK

AHRGEISA OFFICE

EMail;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS