Hay’adda Xuquuqda Aadamaha Ee Human Rights Watch, Oo Dawladda Kenya Ugu Baaqday In Ay Joojiso Tacdiga Dadka Soomaalida Iyo Muslimiinta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda Xuquuqda Aadamaha Ee Human Rights Watch, Oo Dawladda Kenya Ugu Baaqday In Ay Joojiso Tacdiga Dadka Soomaalida Iyo Muslimiinta.
May 13, 2014 - Written by Wariye:

Human-Rights-WatchWakaaladaha Wararka-(Wajaale News)- Hay’adda caalamiga ah ee u doodda Illaalinta xuquuqal Insaanka ee lagu magacaabo Human Rights Watch, ayaa warbixin ay soo saartay kaga dalbatay dawladda Kenya in ay si degdeg ah u joojiso tacadiga iyo dhibaatooyinka kala duwan ee lagu hayo dadka Soomaalida ah ee qaxoontiga ku ah Kenya ee sida khasabka ah loo mastaafuriyo, dadka Soomaalida ah ee haysta dhalashada Kenya iyo weliba muslimiinta kale ee ku nool xaafadaha Islii, South C iyo magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Hay’adda Human Rights Watch, waxa ay xustay in ciidamadda booliska ee Kenya oo ku marmarsoonaya sugida ammaanka qaranka Kenya, in ay si khaas oo oo hayb sooc ah ay u bar-tilmaameedsadaan dadka qaxoontiga ah ee Soomaalida ah iyo dad

kale rayid ahba.

Iyaga oo ciidamadda ammaanka ee Kenya si sandule ah ku gala una booba meheradaha ganacsiga iyo guryaha, soona xidh xidha dad Soomaali ah oo isugu jira qaxoonti iyo dad kale oo Soomaali ah oo haysta dhalashada Kenya oo isugu jira Wariyayaal, Iyo shaqaale.

Madaxa hay’adda Human Rights Watch, u qaabilsan qaaradda Afrika Mr Daniel Bekele ,ayaa tibaaxay in hawl-gallada ay ciidamadda booliska Kenya oo bilaabmay horaantii bishii Afraad ee sanadkan 2014-ka ee ay sida gaarka ah ugu bar-timaameedsanayaan dad gaar ahi uu yahay mid waxyeelo xad-gudub ah ku ah sharciga xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Kenyka ah iyo xuquuqda dadka qaxoontiga ah,  iyo shuruucda xuquuqal insaankaba.

Hay’adda Human Rights Watch, waxa ay ka codsatay  oo ay u soo jeedisay dawladda Kenya in ay awood buuxda oo rasmi ah ay u siiso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, masuuliyadda maaraynta arrimaha dadka qaxootiga,ah ee ka soo cararay dagaaladda iyo colaadaha oo ay ku jiraan dad tiro badan oo ku xidhan xabsiyada iyo saldhigyada booliska ee ku yaala Kenya.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS