WAJAALE NEWS

Hadii Aad Doonayso In Aad Caan Noqoto Dowladuna Kula Shaqayso Been Sheeg Tv Yada Ha Lagaa So Daaye Sidii Qolada Tv Yada La Taagan Ictiraaf Baanu Keenay.

Hadii Aad Doonayso In Aad Caan Noqoto Dowladuna Kula Shaqayso Been Sheeg Tv Yada Ha Lagaa So Daaye Sidii Qolada Tv Yada La Taagan Ictiraaf Baanu Keenay wale dalka cadaaladi ma taalo hadii madaxweynihiiba mar khaantiga u furay in ay reer sheffield metelaa

sadex ka mida nimankan oo ka shaqeyn jirey ahaana Maammulayaasha Xarunta Waxbarashada Shefield ( Sheffeild Education Centre Directors) Xaruntkaas oo lagu qaadi jirey imtixaanaadka Citizenship-ka dhalasho raadinta oo ay lacag kaga qaadi jireen dadka ayaa lagu xidhey magaalada Sheffeild.

Abdi Yusuf oo 37 jir ah Mohamed yusuf oo 34jir ah iyo Mustafe yassin oo 29jir ah

Waxey nimankaasi madax ka ahaayeen City wide learning halkaas oo lagu bixiyo shahaadooyinka imtixaanaadka sharci raadinta.

sadexdan nin oo dhamaantood

Reer Sheffeild ahaa ayaa maxkamad ku taala.magaaladaasi ku heshay danbiyo khiyaano iyo dhac ah iyaga iyo rag kale.oo wax kala ogaa falalkaq foosha xun.

markii maxkamadu dhageysatey dacwadahoodii oo eeddu kaga timi shahaadooyinka ay bixiyaan inaanay ahayn kuwo sax ah  dhawr magaalana ay ka qaadi jireen imtixaannada kuwaas oo kla ahaa Bellfast, Glasgow, London, Birmingham iyo Liverpool.

In ka badan ilaa 5000 oo imtixaan ayey qaadeen mudadii u dhaxeysey October 2005 ilaa February 2007 oo la xidhay.

Police-ku waxa uu dacwaddan baadhayey mudo 3 sano ah dacwado kaga yimid xaruntii ay ka shaqeyn jirtey. imtixaanadu waxey ahaayeen kuwa laga qaado dadka ajaanib ka ah ee doonaya iney dhalashada qaataan sidii ay wadankan (Biritain) u dagi lahaayeen.

Danbi baadhayaashij kiiskan gacanta ku hayey waxey sheegeen in ay bixin jireen shahaadooyin Foojari ah oo ay ka qaadi jireen lacag dhan 250 ilaa 1000 Gini.

Waxaa kaloo policeka shakiga ku ridey markii imtixaanaadka la qaado 88% ay baasin jireen marka loo dhigo meelaha kale ee 66%  baasiyaan.

Abdi yusuf iyo Mohamed yusuf waxaa la xidhey 3 sano iyo badh halka Mubaarak la xidbey 2 sano iyo badh.nimankii kal ee la ogaana waxaa lagu  xukumay wakhtiyo kala duwan.

Danbi baadhihi police-ka ayaa caddeeyey in Operation laga shaqeynayey mudo 3 sano ah iyagoo ku shaqeynaayey khiyaano iyo waxaan sax ahayn dhib badanina ka gaadhey taasoo kaliftey in dad badani qaataan sharciyo aan sax aheyn

Qoaalkan hoose ka eeg iyadoo english ah oo bbc news ka qortay ragaas ma ragaas baa sharaf ku leh sheffeild

halkan hoose waa iyadoo englishka ah bal akhriya ragan siifiigooda

http://news.bbc.co.uk/2/hi/uk_news/england/south_yorkshire/8535341.stm

waa sifiiga ragan sheeganaya in ay ictiraag keenen bal dadka waxaan lee nahay eega nimanka sameecada ay ku lee yihiin wadankan

UK ee ay lee yihiin ictiraaf baanu ka keenay beena yaanay idiin sheegin waxay isku direen oo laba u qaybiyeen umadii isku duubnayd ee reer sheffield markaa umadan somaliland yaan been loo sheegin waxay keenen ma jiraane

halkan hoosena waxaan ku hayaa vedio ka mida ragii keenay ictiraafka oo golaha degaanka sheffield ka dhaadhicinayaa somaliland waxay tahay iyo in ay dowlad u qalanto markaa bal idinku is waydiiya su,aasha markaas

http://www.youtube.com/watch?v=DODvvM1oroc

ninka su,aalaha la waydiinayaa waa mubaarik muuse ismaaciil kana mid ah jahliyada reer sheffield

markaa waxaad ogaan doontaan in been laydiin sheegayaa dadku indhaha  ha kala furaan

bu ahmed yuusuf joofane

joofane1@hotmail.co

 

 

 

Hargaysa Office
Wajaale News

Exit mobile version