Ololaha intan le’eg waxa keenay kadib markii bulshada Faransiiska boqolkiiba konton ka jeesteen akhriska! Hadda waa boqolkiiba konton
Cilmi-baadhis lagu sameeyay dalka Faransiiska sannadkii 2003 ayaa shaaca ka qaadday in bulshada u dhalatay dalkaasi ay boqolkiiba konton ka jeesteen iibsigii buugaagta una jeedsadeen dhinaca Internetka iyagoo u doonanaya macluumaad iyo madaddaalo.
Faransiisku waxa uu ka mid yahay waddamada ku horreeya akhriska iyo qoraalka adduunka. Kadib markii ay tani dhacday wasiirka waxbarashada ee dalka Faransiisku waxa uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo wax ka qabasho u baahan maadaama akhriskii hoos u dhacay. Kadiba isaga oo ay weheliyaan qoraayada ugu waawayn dalka Faransiiska ayaa olole wayn oo kor loogu qaadayo akhriska laga bilaabay guud ahaan dalka. Waxa ay u soo baxeen waddooyinka, beeraha lagu nasto, maktabadaha iyo goobaha dadku isugu yimaaddo iyagoo dadweynaha kala sheekaysanaya qiimaha akhrisku leeyahay.
style=”font-size:16px;”>Ololaha intan le’eg waxa keenay kadib markii bulshada Faransiiska boqolkiiba konton ka jeesteen akhriska! Hadda waa boqolkiiba konton. Taas macnaheedu boqolkiiba kontonka kale waa dad wali ku mashquulsan akhriska haddana xaaladda akhriska way ka dayriyeen. Bal ka warrama innaga Soomaali ahaan boqolkiiba intee ayaa wax akhrida oo iska daa olole e aynaan dhaadanayn halista aynu suganahay?!! Oo maxaa ugu wacan in halistan la dareemi waayo?
Waxa ugu wacan waxa aan gabi ahaanba la fahansanayn qiimaha akhrisku leeyahay. Qoraalkan kobani waxa uu isku dayi doonaa in uu wax yar oo aan badnayd ka iftiimiyo qiimaha iyo qaayaha, wanaagga iyo wacnaanta uu leeyahay akhrisku. Innagoo tusaalayaal badan oo xaqiiqooyin ku salaysan soo qaadanayna.
Mar la waydiiyay sugaanyahankii caanka ahaa ee reer Masar Cabbaas Maxamuud Caqaad (1889-1964) sababta uu u jecelyahay wax akhriska waxa uu ku jawaabay ‘Uma akhriyo si aan wax u qoro. Umana akhriyo si aan cilmi u korodhsodo se waxa aan wax u akhriyaa si aan u helo wax ka badan hal nolol. Adduunyada qof walbaa waxa uu ku leeyahay hal nolol, hal nololna aniga iguma filna. Akhrisku waa shayga kaliya ee siiya noolaha wax ka badan hal nolol waayo nolosha ayuu macaaneeyaa. Qofku wuxuu leeyahay hal fikir hal dareen iyo suurayn oo kali ah (khiyaal) laakiin fikraddaadu marka ay fikrad kale la kulanto, dareenkaaguna la kulmo mid kale, suurayntaaduna la kulanto mid kale waxa dhasha laba fikradood laba daren iyo laba suuraynood…. Maya maaha laba fikir oo kaliya balse waxa kulmaya kun fikradood oo kuu yeelaya awood’
Sidoo kale aqonyahankii Ingiriiska ahaa ee Gilbert Waayt (1720-1793) waxa uu yidhi ‘Buugtu kama koobna uun waraaqo la isku geegeeyay oo dhintay balse waa maskaxo nool oo mid walba uu ka soo baxayo cod. Marka aad kala furto buug waxa aad maqlaysaa codad kala duwan oo ka kala imanaya dadyow kala noolaa qarniyo kala gedisan kadib waxa aad dhagaysanaysaa sheekadooda’
Gabayaa Maraykan ahna waxa laga hayaa ‘Waa in aan wax akhrinaa si aan u korodhsano awood. Qofka wax akhriya noloshiisu waa iftiin, buugguna waa weel uu ka soo burqanayo ileys kadibna buux dhaafiya gacmaha qofka akhrinaya’
Sidoo kale culimadii hore ee islaamka akhrisku waxa uu ka ahaa agtooda shay kaga qaalisan wax walba. Buugtuna meel wayn ayay kaga jireen nolol maalmeedkooda. Waxa la yidhaahdaa Ibnu Mubaarak ayaa mar lagu yidhi: Maxaad asxaabtaada ula fadhiisan waydaa? Markaas ayuu ku jawaabay ‘Waxa aan la fadhiistaa asxaabtii Rasuulka NNKH’ taas oo uga jeedo in uu akhriyo taariikhdoodii.
Markale ayaa lagu yidhi: salaadda marka aan ka baxno maxaad la carartaa ee aad noola fadhiisan waydaa? Waxa uu ku jawaabay ‘Waxa aan la faadhiistaa Saxaabadii iyo Taabiciyiintii’
Imaam Ibnu Shihaab Al-sahri waxa la sheegaa in uu ururin jiray buugta kadibna uu siin jiray waqti aad u fara badan illaa ay gabadhiisii ka cabatay. Waxa kale oo la sheegaa Xasan Al-luluwi in uu yidhi: ‘Muddo afartan sanno ah maan seexan habeenna illaa buug laabtayda saaran mooyee’
Akhrisku waa furaha ilbaxnimada!
Mar ayaa la waydiiyay Foolter oo ahaa Faylasuuf Faransiis ah oo caan ahaa cidda hoggaamin doonta dunida waxa uu ku jawaabay ‘Cidda garanaysa sida wax loo akhriyo ayaa hoggaamin doonta dunida’
Madaxwaynihii saddexaad ee Maraykanka Jeefarson waxa uu lahaa odhaah caan ah oo odhan jirtay ‘ Kaliya kuwa wax akhriya ayaa ah xor, waayo akhrisku waxa uu eryadaa jahliga iyo khuraafaadka’
Sidoo kale Montaskiyo oo ahaa mufakar Faransiis ah oo caan ahaa ayaa mar yidhi ‘Si aad in yar u ogaato in badan akhri’
Markale mar la waydiiyay Saqraad Faylasuuf u dhashay dalka Giriigga waxa uu ku xukumo qof ama ku qiimeeyo waxa uu ku jawaabay ‘Waxa aan waydiiyaa inta buug ee uu akhriyo!’
Sidaa si la mid ah Faylasuuf Jayniis ah oo lagu magaabi jiray Konfooshiyosh waxa uu yidhi ‘Si kasta oo aad u tahay mashquul waa in aad waqti siisaa akhriska, haddii kale waxa aad naftaada u horseedday Jahli iyo baaba’
Haddaba waa maxay faa’idada akhrisku?
Haddii aynu isla garanay in akhrisku faa’ido badan yahay aadna muhiim ugu yahay nolosha aadamaha aan halkan ku yar ifino faa’idadaasi waxa ay tahay:
1. Akhriska waxa aad ka helaysaa warbixino cusub, waddooyin cusub oo aad wax ku xalin karto waddooyin badan oo aad guul ku gaadhi karto.
2. Akhrisku waxa uu kor u qaada horumarka naftaada sida kalsoonida, samaynta qorshayaal cusub iyo nidaaminta noloshaada
3. Akhrisku waxa uu kor u qaadaa fahanka maskaxda. Waxa uu ku siiyaa qaabab aanad hore u aqoon oo aad wax ku fahmi karto ama waxa uu ku fahansiiyaa waxyaabo aanad fahansanayn marka hore.
4. Akhrisku waxaa laga helaa khibrad iyo aqoon fara badan taas oo ay kula wadaagayaan dadka qoray hadba buugga aad akhriyayso.
5. Akhrisku waxa uu ku barayaa xasiloonida, deggenaanta iyo u fiirsashada ka hor inta aanad ku dhaqaaqin waxyaabo badan.
6. Akhriska waxa laga bartaa wax ikhtiraacidda, dabagalka iyo ka niibkeenidda wax kasta oo aad danaynayso.
‘Ma jiraa qof aan garanayn sida wax loo cuno loona cabbo, ama qof odhanaya waqti igu filan baan u waayay cunista iyo cabista? Taasi waa mid aan suurtogal ahayn! Sidaas si lamid ah weeye akhriskuna. Haddii aad tidhaa waqti ayaan u waayay waxa ay la mid tahay adigoo yidhi cuntada ayaan waqti u waayay!’ Dr Saajid.
Tixraac:
· Buugga ‘Al-Qiraa’a Ad-dakiyah, Dr Saajid Al-Cabdali’
· JJ Wong, Why Reading is so Important, InspirationBoost.com
Muna Axmed Cumar
Muna_gafaneh@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland.