Xukuumada Somaliland Way Ka-Xun-Tahay Falka Loo Gaystay Diblomaasiyiinta Itoobiya ,Wasiir Maxamed Biixi Yoonis | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Way Ka-Xun-Tahay Falka Loo Gaystay Diblomaasiyiinta Itoobiya ,Wasiir Maxamed Biixi Yoonis
April 13, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa si kooban uga hadlay diblamaasiyiin ka tirsan dalka Itoobiya oo lagu xidhay gobalka Gabilay ee Somaliland.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay in ay Xukuumada Somaliland aad uga xuntahay falkaasi,isla markaana waxa uu sheegay in ay Arrintaasi cudur daar ka bixiyeen.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu  Sidaasi ku sheegay mar uu maanta warbaahinta lahadlayay.waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaayay uu yidhi “Falkaasi wuxuu ahaa fal aad u fool xun,Xukuumada Somaliland aad ayay uga xuntahay arrintaasi waxaananu ka bixinay cudur daar,waxaanu shalay la kulanay Safiirkii Itoobiya u fadhiyey Halkan(Somaliland) ,nimankii falkaasi sameeyayna waanu xidh xidhnay waxaan shacabka reer Somaliland ugu baaqayaa in ay tixgaliyaan oo ay Ixtiraam diblamaasiyiinta inala  jooga khaasatan Itoobiya,dawlada itoobiya waa dal aynu jaarnahay waa dad aynu walaalo nahay,waana dawladaha aadka u daneeya Somaliland”

“Somaliland iyo Soomaaliya wada-hadalaa u socda,waxaana fiican in labada dal iska ilaaliyaan wixii xumaan keenaya,mana fiicana in Soomaaliya ay dhex gasho dawladaha cilaaqaadku ka dhaxeeyo Somaliland,cadaadisana ma galin karaan hawlaha Somaliland,”

Waa markii ugu horaysay ee Wasiir Maxamed Biixi Yoonis uu ka hadlo xadhiga diblomaasiyiinta Itoobiya loogu gaystay gudaha Somaliland

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS