War Degdeg ah: Haweenay Lagu Dilay Bebera iyo Wiil Uu Dhalay Xildhibaan Qabile Oo Dhaawac Culusi Soo Gaadhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Degdeg ah: Haweenay Lagu Dilay Bebera iyo Wiil Uu Dhalay Xildhibaan Qabile Oo Dhaawac Culusi Soo Gaadhay
April 11, 2014 - Written by Editor:
BARBERA(Wajaalenews);Ninkan ayaa la sheegay in ay baacsadeen ehelada Xildhibaanku isla markaana uu ku soo riday rasaas, taas oo ka hakisay in ay gacanta ku soo dhigaan, balse gaadhigii uu watay ayay wararku sheegayaan in ay jajabiyeen. ninkan ay baacsanayeen dhalinyaradu ayaa lagu magacaabaa tabaarik kaasi oo ah ninkii xildhibaan qabile hore u rasaaseeyay;

Berbera (WJN) – Allah haw u naxariistee Haweenay lagu magacaabi jiray Xamda Dheer ayaa laga helay maydkeeda Maqaaxi ku taala Magaaladda Berbera, halka Sacad Maxamed Faarax Qabile uu dhaawac culusi ka soo gaadhay.

Dhacdadan ayaa ka dambaysay ka dib markii sida dad goob joogeyaal ahi ay u sheegeen Wajaalenews ehelada Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ay indhaha saareen wiil la sheegay in uu hore xabad ugu riday Xildhibaanka.

Ninkan ayaa la sheegay in ay baacsadeen ehelada Xildhibaanku isla markaana uu ku soo riday rasaas, taas oo ka hakisay in ay gacanta ku soo dhigaan, balse gaadhigii uu watay ayay wararku sheegayaan in ay jajabiyeen.

Ilaa iminka

lama cadaynin cida leh masuuliyada rasaasta ay ku dhimatay Marxuumadu, balse, Wax yar ka dib ayaa ciidamada Boolisku ay soo gaadheen goobta ay shaqaaqadu ka dhacday, kuwaas oo la wareegay halka uu dilku ka dhacay.Si kastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan Magaaladda Berbera ayaa si weyn u hadal haya dilkan ka dhacay Magaaladdaasi.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS