Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo mudadii uu xilkan u magacawnaa gaadhayso sanad ah ayaa waxay dad badan oo ah kuwa indha-indheeya arimaha siyaasada dibadu ay hada qabaan inuu yahay nin soo lug go’ay maadaama dedaal kasta oo uu sameeyaba carqalad aan la filayni kaga imanayso xaga siyaasada gudaha ee dalka tii oo ay tiro beeleen camalada ay xukuumadu ku kacayso ee saamaynta xun ku yeelanaya sumcadii iyo xidhiidhadii uu dalkani la lahaa ama la yeelan lahaa xubnaha bulshada caalamka.
Arimaha ugu adadag ee ka horyimaada ama cambaar ku noqda xidhiidhada diblomaasiyadeed ee ay dawlad kastaa la leedahay caalamka intiisa kale, waxa ugu horeeya xadgudubyada lagu sameeyo xoriyatal qawlka gaar ahaan xoriyada saxaafada taas oo marka Somaliland laga hadlayo la odhan karo waxay dhaqan u noqotay maamulka madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Ma jiro todobaad ina soo mara oon tacadi lagula kicin cid ka mid ah warbaahinta ka hawlgasha dalka gudihiisa. Markasta oo caynkaasi dhacdana waxa laga ogaadaa afarta baynu jiho ee aduunka.
Dawladaha iyaga laftooduba cabudhiya xoriyatal qawlku dan-kama-galaan meesha kale ee ay dhibaatadaas oo kale ka dhacdo balse caalamka intiisa badan oo laga xurmeeyo xoriyada hadalka iyo saxaafadaba hadii xadgudub ka dhan ahi meel ka dhaco waa laga naxaa waana la isku daba galaa la iskuna qoonsadaa oo hadii laga waantoobi waayana marka dambe waa la isku nacaaba.
Waxa kale oo Somaliland ka dhacda arin nusqaan ku ah haybada dawladnimadeeda oo usoo jiida sumcad xumo lagu quudhsado taas oo ah xukun qarqoosh-nimada maxkamadaha dalka oo ay caalamku ku ogaadaan xadhigyada iyo xayiraadaha aan xeerna haysan ee ay ku xukumaan suxufiyiinta ama hay’adaha warbaahinta iyadoo marba marka ka dambaysa ay gaadhaan heer ka liita kii hore u jiray oo aynu nidhaahno salaamulaah calaa xujaaj.
Arinta saddexaad waxa weeyi rasaasta ay bileysku ku furaan dadkoo si salmi ah u banaan-baxaya taas oo intay sababto dhimasho iyo dhaawac hadana eedda la saaro rayidkii iyagoon hubaysnayn banaan-baxayey.
Hadii aynu iska dhaafno cadaalad darada iyo xadgudubyada kale ee ka dhanka ah xuquuqda madaniga ah iyo kuwa bini’aadamnimo ee dadka ee dalkan ka dhaca oo aynu soo qaadano tacadiyada ay xukuumadu iyadoo adeegsanaysa garsoorka iyo bileyska kula kacdo xoriyaadka distooriga ah oo kaliya sida xoriyada saxaafada iyo ta banaanbaxa ayaa caalam ku ictiraafa daayo ay dunidu dhabarka kuu soo jeedinaysaa ood nasiib badan tahay hadii aad hesho cid ku dhagaysata waxyarna ha ahaatee.
Maxamed Biixi Yoonis oo mudadii dheerayd ee uu ka shaqaynayey hay’adaha caalamiga ah xidhiidho la yeeshay isbarashona dhex martay dawlado iyo madaxda dalal badan oo aduunka ah ayaan shaki ku jirin inuu wax badan ka qaban lahaa arimaha siyaasada dibada ee Somaliland oo ay kow ka tagay qadiyada aqoonsigu.
Hase yeeshee sida muuqata Maxamed Biixi intii uu ahaa Wasiirka kumuu guulaysan inuu wax ka bedelo siyaasada arimaha gudaha ee dalka lagaga dhaqmo ee dhaawacaysa siyaasadii arimaha dibada ee Somaliland aqoonsi caalamka kaga raadin lahayd.
Shayga aynu indhaha caalamka ku soo jiidan jirnay ee doodeena iyo garnaqsigeena xoojinta u ahaa wuxuu ahaa dimuqraadiyada kaas oo cid kastoo indhaha inaga lalinaysay ku khasbi jirtay inay indhaha ina siiyaan iyagoo inagu ixtiraamaya xoriyaadka ka hirgalay dalka sida xoriyatal-qawlka, xoriyada saxaafada iyo xoriyada doorashadaba.
Afartii bilood ee u dambeeyey ee Hubaal, Haatuf iyo Somaliland Times iyo website-yadooda albaabada loo xidhay oo kaliya inta soo gaadhay sumcadii iyo meeqaamkii ay Somaliland ku lahayd dibadda ayaan sanado laga soo kaban karayn bal wax kale ha inoo dambeeyaanbee.
Marka xaaladu sidaas tahay ma ku gali karaa Maxamed Biixi Yoonis inuu ka sii mid ahaado xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ee doc-ka-weerarka iyo fawdada ku haysa xidhiidhadii diblomaasiyadeed ee uu ka shaqaynayey ama se miyaanay la gudboonayn isaga oo dhawraya karaamadiisa iyo ta dalkaba inuu iskaga baxo xukuumadan jahawareersan een u tudhayn mustaqbalkii umadani lahayd oo inta ay goori-goor tahay uu runta ku baraarujiyo shacbigan hogaankii u go’ay