Hibada (gift) qeexid
Hibadu waa awood shaqsiyadeed oo dhalasho ah, waxay ka mid tahay abuurka ilaahay. Hibadu maaha barasho iyo dadaal qofeed, balse waa abuur ilaahay, oo qof kale aanu samayn karin. Hibada waxaan ugu jeedaa wuxuu qofku ku fiican yahay. Adduunka ma jirto qof aan shay hibo u lahayni amma , balse waxa fiican in qofka la darso markuu yaryahay, bal shaygu hibada u leeyahay iyo ka aanu u lahayn.
Sidee lagu ogaan karaa Hibada?
Hibadu way qarsoontahay waxaana fiican in la soo shaac-saaro. Caruurta iskuulada dhiganaysa waxa ogaan kara macalinka waxbaraya, waxa kale oo ogaan kara waalidiinta caruurta dhalay, iyagoo isha ku haynaya markay guriga joogaan waxay jecel yihiin inay qabtaa, markaa caruurtu shayga ay ugu jecel
yihiin inay bartaan amma qabtaan ayay hibo u leeyihiin. qofku markuu weynaado wuu is-qiimayn karaa, bal wuxuu ku fiican yahay iyo waxaanu ku fiicnayn. Xilliga ugu mudan in la ogaadaa waa markay bulshada soo foodsaarto arrin adag oo ka samatabixinteeda loo baahan yahay. Marka xalinta arrintaasi la bilaabo ayuu qofkii la soo baxaa hibadi ilaahay siiyay, ka dib wuxuu ogaanayaa inuu ku fiican yahay xalinta, oo aanu hore isugu ogayn. Dadka badankoodu waxay dhintaan iyaga oo aan is aqoonin waxay ku fiican yihiin iyo wax aanay ku fiicnayn.Qaar ka mid ah meelaha hibadu gasho
Hibadu waxay gashaa meel fara badan oo aan la soo koobi karin.
Qaar wuxuu ilaahay hibo u siiyay xalinta dhibta
Qaar wuxuu ilaahay hibo u siiyay isku-dirka iyo xumaanta
Qaar wuxuu ilaahay hibo u siiyay munaafaqada iyo beenta
Qaar wuxuu ‘’ ‘’ af-miishaarnimo
Qaar wuxuu ‘’ ‘’ gorshayaasha qarsoon
Qaar wuxuu ‘’ ‘’ wanaaga iyo samafalka
Qaar wuxuu ‘’ ‘’ wanjalaada iyo isku soofaynta
Qaar wuxuu ‘’ ‘’ abuurista jawi cakiran
Qaar wuxuu ‘’ ‘’ nabada iyo isku soo dhawaanshaha
Qaar wuxuu ‘’ ‘’ abaabulka iyo wax-soo-saarka
Qaar wuxuu ‘’ ‘’ waxbarista iyo akhriska
Qaar wuxuu ‘’ ‘’ qoraalka iyo curinta
Qaar wuxuu ‘’ ‘’ xirfadaha iyo farsamada
Qaar wuxuu ‘’ ‘’ fikirka iyo xusuus fiicnida
Dabeecada iyo qeexitaankeeda
Dabeecadu waa dhaqan qofku ka baran karo deegaankiisa. Dabeecadu waa barasho ee maaha u dhalasho. Waana dhaqan qofku bartay oo uu iska bedeli karo. Sida qaabka dhar-xidhasho ee qofka, ciyaarta uu jecel yahay, timaha siduu u xiirto IWM. qofku deegaanka uu la nool yahay ayuu la falgalaa, oo saamayn xoogan ku yeesha.
Tusaale ahaan haddii aad ilamahaaga guriga ku bartid inaan dadka la caayin amma caydu ay tahay dambi ilaahay kugu ciqaabayo, dee markuu dibada u ciyaartago wuxuu soo maqlayaa caruur is caaysa, markaa saamayn ayay ku yeelanaysaa arrintaasi oo marka dambe isna wuuu caytami.
Dabeecadaha qofka waxa qaabeeya oo xuduud cad u sameeya caaqidooyinka diimeed ee qofku aaminsan yahay. Diinta islaamka ayaa ugu mudan mabaadida diimeed ee qofka dabeecadihiisa qaabeeya. Culimada cilmi nafsigu waxay sheegeen barashada dabeecadu waxay ku timaadaa ficil aad maalin uun isku dayday inaad samayso, adigoo qof kale kagaga dayanaya, ka dibna ficilkii naftaadu jeclaysatay oo aad ku celcelisay sidaana aad kula qabsata, oo markii dambe aad joogtaysay. Waana sababta ay diinta islaamku u diidan tahay in qofku sameeyo ficil xun. Waxaana looga gol-leeyahay in dadka kale ka bartaan dabeecadaa amma dhaqankaa xun.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
B.A in Journalism
Hargaysa, somaliland
calicoomay@hotmail.com