|
|||||
WAJAALE NEWS
Afghanistan: Musharrixiin walaac ka qaba cadaaladda natiijada doorashada Madaxtinnimada
April 12, 2014 - Written by Editor:kaabul(wajaalenews)Musharrixiinta u tartamaya jagada Madaxweynaha waddanka Afghanistan oo maalmo ka hor la galay doorashada lagu soo dooranayo Madaxweynaha waddankaas hoggaamin doona, ayaa qaarkood walaac ka muujinayaan caddaaladda natiijada doorashadaas ka soo bixi doonta, iyaga oo dalbanaya in la sameeyo caddaalad. Mid ka mid ah musharixiinta ugu cad cad tartanka madaxtinimada Afghanistan ayaa sheegay inuu doonayo in si caddaalad ah loo tiriyo codadka doorashadii bishan dhacdey. Mar wax laga weydiiyey suuragalnimada in la qabto wareeg kale oo doorasho,Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in tirinta codadka ay noqoto mid hufan oo sharci ku dhisan, iyadoon loo eegayn cidda ku guuleysata.Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibedda ee Afghanistan, Abdullah ayaa in Guddiga Madaxabanaan ee Doorashada Afghanistan ayay sheegayan in 45 boqolkiiba wax ka badan oo ah codadka la dhiibtey lagu darey diiwaanka electronikada ah, isla markaana qeyb kala dhiman oo natiijada ah aan la shaacin karin ilaa laga wada tiriyo ugu yaraan 20 ka mid ah 34-ka gobol ee dalku ka kooban yahay.Dorashadani waxa ku loolamayey sideed musharax oo isu soo tagay xilka madaxtinimadda oo uu ka midyahay madaxwaynihii hore ahmid karazai,Oo isagu umuuqda intartanka laga horeeyo, Natiijada kama dambeysta ayaa la filayaa inay soo baxdo bartamaha bisha May. wadanka Afghanistan,Waxa ragadiyey dagaalo ka dhacayey mudo dheer una dhexeeyey jabhada dalibaan iyo dawladda wanka Afghanistan oo dageero kahela ciidamo maraykan ah iyo kuwa nato,Lamana sadalinkar cida ku gulaysan karta dorashan madamo musharixinta qarkood aad isugu dhawayihiin. Related posts:XOG CULUS' Xukuumada Siilaanyo Oo Qaaday Jidkii Uu Ku Guuldaraysay Xisbigii UDUB +Qadarka Lacagta La... DAAWO; Abwaan Weedhsame iyo Maansadii “Duqii Gaadhiga kexeeyey” Oo Rumowbay iyo Somaliland Oo Xilig... Daawo: "Markaad Doonayso Inaad Ummad Hogaamiso Dadkaaga Waa Inaad Kala Taqaano”..Sheekh Adam-siiro COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|