Xaqiiqdii waa maalin mudan qiimaheeda, waa maalin ummadi isku sara taagtay in ay yeelato jiritaan u gaar ah oo ay kaga go’day soomaali inteeda kale. Waa maalin lagu kalifay in ay ummadda reer Somaliland sidaa yeesho kadib markii lagu qaday, hungo iyo hagardaamana ka soo gaadhay xulafaysigii iyo isku tagii wixii la odhan jiray Soomaali weyn. Waa maalin hadda laga joogo 23 sannadood, waa maalin bokhran bar tilmaameedna u ah qaddiyada Somaliland, waa maalin aan qofna ku bakhayli karin in uu muujiyo farxaddeedda, hadaf iyo sharafina ku dheehan yihiin. Haddaba maalintan weyneynteedu taariikh kaliya ma aha ee waa maalin la taagay calan ka kooban caddaan, casaan iyo cagaara. Calankan saddexda C-a midabada ka bilaabmay ka kooban waxaa iyana ku asteysan laba callaamadood oo kale, mid waa xiddigta magow ee dhex hurudda qaybtiisa cad iyo inta ugu makaanka saraysa calanka oo dhan oo ah Tawxiidka lagu xardhay qaybta cagaaran. Tilmaamaha dhammaan calanku ka koobanyahay ayaa ah kuwo xigmadaysan oon layska mala awaalin balse lagu dajiyey hindise habaysan oo hadaf ku qotama.
Haddaba aniga iyo idinkuba inagoo jecel calankan, xuskiisa karaamayntiisuna tahay xil saaran qof kasta oo waddani ah ayuun baa waxaa isku kay qaban la’a qiimaha maalinta 18ka May iyo sida ama habka loo xuso, cida dan ku qabta iyo waxa laga barto maalintaa/habeenkaa. Dadka malaha in hal sambiil lagu rido laga wanaagsan ee waxaan farta ku godayaa qolyaha khaasatan qurbe jooga ah, oo aad badhkood moodo in ay habeenkaa uu soo hambabaraan kana dhigtaan in xilkii waddaninnimo intaasi ka kor qaaday.
18ka May ayaa loo qabtaa, ayaase qabsada?
Waxaa mihiim ah in wax kasta oo la qabanayo saddex su’aalood layska weydiiyo haddaba:
1. Maxay tahay ujeedada loo qabto munaasibada lagu xusayo 18 May ee qurbaha ka dhacdaa?
2. Ayaa qabta ama qabanqaabinaya?
3. Yay dani ugu jirtaa xafladan qabashadeeda?
Saddexdan su’aalood oo si hufan looga jawaabaa waxay gundhig u noqonayaan in aan habeenkaasi ahaan habeen layska dhaanso ama qoob-kaciyaar uun laysku dhaafin ee uu noqdo kulan lagaga faa’iideysto fursadda loo helay in ay isku yimaadaan dad ay dani ka dhaxayso. Ka faa’iidaysugu wuxuu noqon karaa mid dhaqaale, aqooneed iyo wada tashi intaba, waxaase is weydiintu tahay qorshahaasi ma ku jiraa intaan la qabanba?
Sida ka jirta qurbaha intiisa badan waxaa xafladdan qabta soona qabanqaabiya cid ala ciddii doonta oo iyada dan gaar ahaaneed ugu jirto inta badan, dantaas oo ah mid dhaqaale! Waxa ugu weyn ee cidda doonta in ay xaflada noocan ah qabataa ku dadaashaa sidii ay u heli lahayd FANNAANIIN heersare ah oo magac iyo cod wanaagsan lagu og yahay.
Fannaan la helyaaba lacag la hel! Wixii intaa ka dambeeya waxa uu qofkaasi u baahanyahay in uu helo xero uu dadka kusoo xereeyo, iyo makarafoono wata sameecado dannanaaya, halkaas oo dig iyo damtaa laga hayo ilaa waaberiga. Inta heesahaasi socdaan haba iskugu jiraan kuwo calanka loo qaado iyo kuwo kale oo waddaninimo ka hadlayaba ee waxaan iyagana aan la gafin in kuwo jacayl ah oo lala miraaqoodo iyagana tiitaada la qaado dadkuna laabta wada waydhaamiyo. Waxaa intaa sii dheer in calankan aan kor kusoo xusay ee Towxiidka Rabbi ku xardhan yahay la lulayo intaa la heesayo, waxaana dhacda in saacadaha dambe aad aragto isagoo dhulka quban ama lagaga yimid musqulaha dhexdooda(khaasatan ka warqada ah). Waxaan soo xusuustaa gabaygii wanaagsanaa ee Abshir Bacadle uu suufiyada shalaadaya ee ku dhawaaqa ‘’Allaahu Allaah’’ ee kolkay narsada iyo shalaadka isku qasaan hadalku ka beddelmo ee u beddela Allaahu dii; Ah Ah Ah…, taas oo uu Abshir lahaa ‘’Ah baa magac Illaahay ah baa ii cuntami weydey’’ Wuxuun baa ii cuntami weydey in calanka dhulka la jiidjiido iyadoon loo miidaan dayin waxa ku qoran iyo haybadiisaba.
Waxaa hubaal ah haddii dadku ahaan lahaa dad xasiloon oo daraman shaydaan loo tumayn in ay ku baraarugsannaan lahaayeen calanka oo ay kor u hayn lahaayeen. Musiga oo aynu ognahay in Quraanka laynoogu sheegay in kolka kufaarta naarta lagu hagaajin kari waayo in bigil iyo musik looga dhex garaaci doono, bal ee aynu innagiiba la xadrayno musigii, waxaa mihiim ah bal in aynu dib iskugu noqonno habeenkan loo qoondeeyey calanka iyo tumashadan muusigu halka ay walaalo ka noqdeen.
In yar oo ay karahsadaan baa kaga hadhay!
Walow ay furitaanka ku bilaabaan aayado quraan ah iyo in duqayda iyo siyaasiyiinta la casuumay wax ka yidhaahdaan meeshaas iyagoo la dagdagsanayo qudbadooda loona jibaysanyahay muusiga, ayaa waxaa is weydiin leh Calanka duqay iyo dhallinyaro kaliy ah ma laha ee aaway carruurtii? Maxayse u dhici weydey in la helo hab ka habboon sidan hadda wax loo qabto, habkaas oo suura galinaya in ay dhammaan dadku wada xusi karaan Carruur, cirroole iyo inta u dhaxaysaaba maalimtan, hal meelna ku wada damaashaadi karaan? Waxa kale ee nidaamka hadda loo qabtaa suura galin kari la’a yahay in ay innoo yimaaddaan dad kale oo aan Soomaali aheyni, sababtuna tahay saacadaha qallooca iyo waxa aynu meesha ku hayno oon qoob-kaciyaar dhaafsiisneyn. Ummadan farshaxan ayey leedahay, hidde iyo dhaqan bay haysataa, suugaan mug weyn iyo ciyaaro u gaar ah, waxaa waliba intaa sii dhaafsan cuntada oo iyadu ah mid dhadhan, udgoon iyo qurux isku darsatay. Haddaba hadii muddo 23 sanno ah aan carruur la keeni karayn habeenka caynkaas ah waxaan ka walwalayaa 23 sannadood dabadood ilmihii dhashay malintii calankan la taagay wuxuu noqonayaa 46 jir aan wax xidhiidh ah ka dhaxayn isaga iyo calankaa, midna yeynaan iloowin carruurta qurbaha ku dhalatay dee calan kale bay leeyihiin oo ay aroor walna isku taagaan, haddaad adna sannadkii hal habeen calan lusho adoo jaasaya carruurtana aanad gayn, ilmahaaguna aroor walba calankiisa salaamo, waxaannan garanaynba waxa aad kusoo biirisay jiritaanka calankan.
Fadlan maalinta ganacsiga ka daaya!
Haddaad tahay kuwan qabanqaabiya ee kula shuraakoobay fannaaniinta fadlan maalintan iyo calankan qoomiyadbaa kula leh ee ganacsiga nooga daa aad ka lacagaynaysaan. Maan diidin in kharashka ku baxay laga soo saaro, laakiin gar iyo dawtoona ma aha in dadweynaha calanka taabacsani hal fannaan ama laba, go’ mugii oo lacag ah ka hoobaansadaan iyagoon dalkii iyo dadkii midna waxba ugu tarin bal ee ay jeebkooda ku xerooto! Hadda calanka bilaash laguma keenin ee garo! Dad baa u dhintay oo agoontoodii nooshahay, qaarbaa dhaawacmoo naafoobay, haddaad adigu calankay u dhinteen ama u dhaawacmeen dhaqaale ka samaynayso ma waxaad garan weydey badhna qaado badhna iyagii ku taageer? Ma waxaad garan weydey hooyada goblantay ee inamadeedii calankan u dhinteen wixii ka nool sannadkii maalintaa wixii kasoo baxa badh u gee bal inay naruuro u noqoto.
Ma wanaagsana in shicibka intiisii kale u afduubnaado koox heesta iyo inta u gogol xaadha. Fannaaniinta baahi gaar ah uma hayso dhaqaalaha ka soo baxa xafladaha maxaa yeelay sannadka intiisa kaleba way shaqaystaan, dadkayna ula siman yihiin risiqooda. Duulaan kuma ihi Abwaanada/Fannaaniita balse waxaan garan waayey waxa ay siday doonayaan uun u noqotay ee dadka intii aan sidaa wax u rabin loo muquuniyey!
Waxa iga dardaaran ah calanka iyo maalinta fannaaniin iyo xulafadoodu ma laha ee ummada reer Somaliland baa la leh. Maalintani ha ahaato maalin/habeen ay dadku ka wada qayb gali karaan yar iyo weynba, wadaad iyo waranleh. Ha ahaato maali bandhig u noqota ummadaha aynu la noolahay si ay inoola arkaa ciddeynu nahay iyo waxaynu rabno. Fadlan calanka nooga daaya sidan, maalintana hanooga afduubina fannaaniin iyo daasadahooda.
Qor ama akhri,
Fardawsa Maax
fardawsan@yahoo.ca