|
|||||
WAJAALE NEWS
XOOLIHII QARRANKA XEREYN WAYDEE XAGEE LOO SOCDAA SAMAALOW??
March 24, 2014 - Written by Editor:HARGEISA (WAJAALENEWS);Sida la wada ogsoon yahay waxaa maalmihii la soo dhaafay la joojiyay xeraynta dakhligii qarranka ee ay masuulka ka ahayd wasaarada maaliyadu.Wasaarada maaliyada Somaliland waxay shaqadeedii ahayd u rurinta cashuuraha ku darsatay shaqo cusub oo ah haynta , hormo-galinta iyo habaynta dhaqaalaha qarranka Somaliland oo uu si dastuuri ah ugu xilsaarnaa baanka dhexe . Taariikhda dawladihii kala dambeeyay ee soo maray Somaliland waa markii ugu horeysay ee ay dhacdo in go,aan wasiir maaliyadeed loo xerayn waayo dakhliga dawlada, haseahaatee maaha markii u horeysay ee ay wasaarada maaliyada iyo baanka dhexe is khilaafaan balse horeba way u dhici jirtay waxaase khilaafkaa dhexdooda lagu dhamayn jiray dood cilmi ah iyo wada xaajood ay goob joog ka yihiin madaxweynaha qarranka iyo culimada dhaqaalaha ee wadankeena, kadibna waxa kulankaa ka soo baxa ee la isku waafaqo ayaa la dhaqan galin jirey laguna shaqayn jirey. Waxaase maanta amakaag noqdey umaduna la yaaban tahay sabab kasta iyo wax kasta oo la isku maandhaafo awooda iyo caqliyada keentay in dakhligii wadanka lagu soo xereyn waayo baanka qarranka oo lagu hayo kastanada cashuuraha dhexdooda. Taasi macnaheedu miyaanu ahayn Hayadaha, xisaabaadka guud ee qarranka,baanka dhexe,iyo hanti-dhawrka qarranka intaba in laga maarmo oo meesha laga saaro ,miyaanay ahayn in dawladaha hoose ee dalku iskood u cashuuraan oo aanay wasaarada maaliyadu dakhliga u qaban isla markaana kabkii dawladaha hoose meesha ka baxo, sidoo kale talaabadan miyaanay ahayn mid dhiiri galinaysa baananka gaarka loo leeyahay isla markaana shacabka ku dhiirinaysa inay ka aamin baxaan baanka qarranka oo ay iska wada xidhaan xisaabaadka uga furan. Sacaadatul wasiir lacagta aad qabato maaha hanti ay leedahay wasaarada maaliyadu balse waxaa leh macalinka ,askarta, dhakhtarka,iyo dhamaan dal-jirayaasha qarranka. Sacaadatul wasiir hadii siyaasada dhaqaalaha dalka ee aad baanka mataanaha ku tihiin aad isku khilaaftaan waxaad xaq u leedahay inaad si cilmiya ula dodo una wada xaajootaan balse maaha inaad dastuurkii qarranka ku tumuto sidaad doontana aad yeesho oo dakhligii qarranka u maamusho sidii shirkad aad adigu leedahay taasina waa Ayaan-darro inteeda leeeg. Sacaadatul wasiir talaabadani waxay muujinaysaa inaanad aqoon u lahayn hab-maamulka xisaabaadka dawliga ah (Govermental accounts system). Hadal iyo dhamaan waa go,aan ceeb kugu ah cidii kugula talisayna ogow waa nacabkaagee, waxaanse kugula talin lahaa anigoo waliba kuu nasteexaynaya sacaadatul wasiir inaad ka noqoto kana cudur daarato go,aankaa . hore ayaa loo yidhi nin habari dhashay hal ma seegi waayo sidaasaana kuu sharaf ah mustaqbalkaaga siyaasadeedna dan u ah hadii kale waxay kugu noqon doontaa cambaar siyaasadeed oo abid kugu taala COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|