|
|||||
WAJAALE NEWS
XISBIGA WADDANI: WAR-SAXAAFADEED GUDDIGA KHAYRAADKA DABIICIGA AH IYO TAMARTA OO KA HADLAY ARIMO BADAN ;GUDAHA KA AKHRI
March 25, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(WAJAALENEWS);GUDIDA KAHAYRAADKA IYO TAMARTA EE XUSBIGA MUCAARIDKA AH WADANI AYA WARSIXAFEEDKOODA WAXAY KAGA HADLEEN ARIMO BADAN OO MUHIIMA IYO XUKUMADA UGU BAAQAY INAY ILAALISO KHAYRAADKA DALKA Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee xisbiga Waddani wuxuu halkan ku soo bandhigayaa qodobada hoos kuqoran oo qodabkastaaba muhiimadiisa iyo miisaankiisa leeyahay. Ummada Somaliland ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisuba waxay xaq u leeyihiin in ay wax ka ogaadaan qaabka xukuumadoodu u maaraynayso khayraadka dabiiciga ah. Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamartu ee xisbiga Waddani wuxuu xooga saarayaa sidii shacabka Somaliland u heli lahaayeen macluumaad ku saabsan sida bulshada caalamku u maamulaan/maareeyaan khayraadka dabiiciga ah.
Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamartu ee xisbiga Waddani wuxuu shacabka Somaliland u soo jeedinayaa in ay tusaale ugu filantahay barnaamijyadii ay xukuumadu waday ee shidaalka lagu soo saarayey qaabkii loo maamulay iyo halka ay ku danbeeyeen.
Insha Allah waxay guddidu falanqayndoontaa qodobada hoos ku qoran oo qodobkasta si taxane ah loogu soo gudbindoono saxaafada danaysa arrimaha Somaliland.
Soo gudbintaa la’xidhiidha aqoontaa khayraadka dabiiciga ah iyo Tamartu hadafkeedu waa:
Qodobada guddidu si taxane ah ugu soo gudbindoonta bulshada Somaliland qodobadaas oo ka mid ah barnaamijka Khayraadka dabiiciga ah ee Xisbiga WADDANI waa:
Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee xisbiga Waddani waxay xukuumada u soo jeedinaysaa:
Ugu danbayn Xisbiga Waddani guddidiisa khayraadka dabiiciga ah iyo Tamartu wuxuu qaranka Somaliland ugu ducaynayaa in Eebe ka dhigo khayraadkiisa dabiiciga ah mid barakaysan, khayrqaba oo umadda ku nool darif ilaa darif anfaca oo waxtar u leh. In Eebe ina hareermariyo dhibka uu leeyahay soo saarista shidaalku iyo khayraadka dabiiciga ahi.
Lasocda qodobada kor ku xusan oo si taxane ah ugu soo bixi doona saxaafada Somaliland.
Allaah mahadleh Xisbiga Waddani Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta Related posts:Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Masar Mohamed Mursi oo maanta maxkamad la soo taagay Kormeerka Wa Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada JSL oo karmeer shaqo kutagay wadad barbera iyo hargeisa wa... Munaasibada Lagu Xusayay Maalinta Loo Aqoonsaday Maalintii Xasuuqa Shacabka Reer Somaliland Ee Ay U ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|