Astaamaha iyo calaamadaha dawladnimo ayay ka mid tahay xafiisyada iyo xarumaha dawlada oo si habsami leh u shaqaaya isla markaana adeegyada kala duwan u qabta bulshada si ay umadu u hesho wixii ay xaqa u lahayd ugana baahato dawlada, waayo ujeedada xafiisyada ayaa ah in umada loogu adeego, hadday tahay mid nabadgelyo,cashuureed,passport iyo adeegyada kale ee laf-dhabarka u ah dalka iyo dadka,iyadooy sidaas tahay ayaa waxaa qaarka mid ah wasaaradaheenu ay u shaqeeyaan nidaamkaas mid ka soo horjeeda iyadoo aanad garankarin inay xafiistahay iyo inay maqaaxiyo shaah,kaftan iyo goobo lagu sheekaysto oo kaliya tahay, iyadoo dadka joogaa ay u joogaan oo kaliya inay mushaar qaataan oo kaliya balse ayna marnaba ayna niyada ku hayn shaqada ay umada u qabanlahaayeen,
waxaa la yaab leh oo kaba sii daran dadka xafiisyadan loo wakiishay waa dad aan lahayd aqoontii laga shaqayn lahaa xafiisyada ay joogaan, waana afmiishariin aan hawl-karnimo lahayn hadal mooyee, waxaynu ognahay goobkasto oo ay shaqo muhiimi ka socoto ayna soo galin dadku inta ka shaqaynaysa mooyee, inagoon meel kalaba tagin tukaanka yar qofka ka shaqaynaya mooye qofkale gudahiisa ma soo galo, bal haddaba ka waran? Wasaarado dhan oo qof hawl u leh iyo qof aan hawl u lahayn ay iska soo galayaan, taasi waxay meesha ka saaraysaa habsami u socodkii xarumaha iyo edaabta dawlada iyadoo diciifinaysa oo hoos u dhigaysa hanaanka dawladnimo, oo la odhan karo dawladu wax badan ayay ku waayaysaa kalsoonidii shacabka iyo dawladuna hoos ayay u dhacaysaa,haddaba waxaa loo baahanyahay inay dawlada kor u qaado adeegyada iyo shaqooyinka ka socda xafiisyadeeda, oo ay dadku dareemaan hawl-maalmeedka dawlada, iyadoy jiraan wasaarada si aad u fiican u shaqayeeya sida arimaha gudaha,xarumaha boliska iyo maaliyada haddana waxaa jira wasaarado aad u fadhiid ah oo ayna wax nidaami lahayn,Allah khayrka iyo horumarka ha naguna hago.
W/Q: MAXAMUUD MAXAMED AXMED
EMAIL.mmmmahmed770@gmail.com
Cellphone:0634166381
HARGEYSA,SOMALILAND