Wasaarada Beeraha Oo Mar Kale Ka Hadashay Ayaxa Ku Habsaday Xeebaha Galbeedka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Beeraha Oo Mar Kale Ka Hadashay Ayaxa Ku Habsaday Xeebaha Galbeedka Somaliland.
March 1, 2014 - Written by Editor:
Wasaarada Beeraha Somaliland Waxay cadaynaysaa iyadoo horana dhowr jeer digniino u soo saartay in ayaxii ku habsaday xeebaha Badda Cas ee Somaliland oo hatan khatar ku hayo deegan-daaqsimeedka .

Hargaysa(WJN):- Wasaarada Beeraha Somaliland Oo Warsaxaafadeed Ay Soo Saartay Mar Kale Kaga Hadashay Dhibaatada Ayax Ka Dilaacay Xeebaha Galbeedka Somaliland Uu Ku Hayo Dhul Daaqsimeedka Waxaana Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Nuqul Ka Mid Ah Soo Gaadhay  Shabakada Wararka Ee WAJAALENEWS U Dhignaa Sidan:-

Jamhuuriyadda Somaliland            Republic Of Somaliland

 

Wasaaradda Beeraha                    Ministry of Agriculture

           Minister of Agriculture

Tell: 520637, Mobile: 4240042 ministerfarah@hotmail.com

Ref: WB/XW/admin/ F-     /        /2014                         Date: 01, 03, 2014

Ujeedo:Warsaxaafadeed

Wasaarada  Beeraha  Somaliland  Waxay cadaynaysaa   iyadoo horana  dhowr jeer  digniino

u soo saartay  in ayaxii ku habsaday  xeebaha Badda Cas  ee Somaliland  oo hatan khatar ku hayo deegan-daaqsimeedka  gobalada  salal , Awdal,   Saaxil, iyo Sanaag.

Ayaxaasi oo haatan dam ka siiyey daaq badan    gaar ahaan Banka Giriyaad,  Lughaya,  Cabdigeedi,  Ceeldarad,  iyo  Banka Goobaare, wuxuu ayaxaasi oo haatan korankor ahi u gudbayaa  dalalka Itoobiya iyo Djabuuti.

Waxa jirta in xiligan xoolo aad u fara badani ay ku sugan yihiin jiidahaasi   ayaxu ku habsaday  oo ay adagtahay  in la isticmaalo sunta kiimikada ah ee lagu buufiyo  ayaxa Sida “MALATHION”.

Sidaasi darted, wasaarada  beeruhu waxay ku talo bixinaysaa in aan lagu degdegin   in loo isticmaalo sunta khatarta ku ah  xoolaha,  dadka  iyo deegankaba,  balse loo isticmaalo habka makaanikalka  ah.

Wasaaradu waxay  ka waddaa jiidahaasi  daawo aan xoolaha iyo dadka toona u lahayn dhibaato,    hasa yeeshee   ayaxa ayaa ka baaxad waynaaday arintaa.

Wasaaradu  waxay si degdeg ah isugu  yeedhay  Hay’adaha Caalamiga ah ee ay khusayso  arinta ayaxa  sida  FOA   DLCO markii Labaad.

ALLAA MAHAD LEH

WASIIRKA WASAARADA BEERAHA,    Pro: Faarax  Cilmi Maxamed

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EAMIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS