Wareegtadii Uu Soo Saaray Wasiirka Hawlaha Guud Oo Haamada Jartay Maamulka Dawlada Hoose Ee Hargeysa iyo Shacabka Oo U Sacabo Tumay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wareegtadii Uu Soo Saaray Wasiirka Hawlaha Guud Oo Haamada Jartay Maamulka Dawlada Hoose Ee Hargeysa iyo Shacabka Oo U Sacabo Tumay.
March 11, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News) – Dawlada Hoose ee Magaaladda Hargeysa ayaa dareen Naxdin leh ku qaabishay wareegtada uu Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Mayorada Magaalooyinka Waaweyn iyo degmooyinka kaga mamnuucay in ay bixiyaan dhulka Danta guud.

Wareegtadan oo maalmo uun ka dib Markii uu madaxweynaha Somaliland soo saaray gudida ilaalinta hantida Qaranka soo baxday ayaa ku soo beegantay wakhtigii uu xilkii iska Casilay Agaasimihii waaxda qorshaynta ee dawlada Hoose Cabdilaahi Ubax.

Waxa uu ku eedeeyay Golaha deegaanka ee caasimada loo doortay in ay badhkood yihiin kuwo aan aqoon badan lahayn isla markaana ku hawlan sidii ay ugu gashi

bixi lahaayeen dhulka danta guud.

Waxa uu wakhtigaasi xusay in Mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee Caasimada loo soo doortay ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u uruursan lahaayeen hanti ay ku mag-dhawaan tii kaga baxday Doorashooyinkii golaha deegaanka, halka uu xubno ka mid ahna ku amaanay in ay yihiin rag Mudakar ah.

Sida ay helayso shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, waxa soo baxaya warar sheegaya in Dawlada Hoose ee Hargeysa aanay soo dhaweynin wareegtadaasi ka horjoogsanaysa dhulka Danta guud ah.

Si kastaba ha ahaatee shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan Magaaladda Hargeysa ayaa iyagu si weyn u soo dhaweeyay wareegtadan, waxaanay sheegeen in ay tahay mid loo baahnaa in ay wakhti hore soo baxdo.

Madaxweynaha Somaliland ay laftiisa ku amaaneen wareegtadii uu ku mamnuucayay in la dhalan rogo ama la iska iibsado guryaha danta guud Xukuumadda u xisaabsan, taas oo uu sameeyay gudi maamusha.

COMMENTS
LINKS