WAJAALE NEWS

Qaadka Iyo Qabyaaladu Waa Labada Cudur Ee Somaliland La Hadhay.

Qabyaalada oo iyana halis kale ah oo laga soo bogsaday in mudo ah ayey dowladani naxashkii kala soo baxday waxaanaad

Salaan Ku socota shaqaalaha shabakadan iyo dhamaan Somaliland

Walaalayaal labo cudur oo halisa ayaa naafeeyey qarankeena Somaliland, cudurka koowaad waa qaadkan sida xawliga u bulshada u baabiinaya maalinba ta xigta aad ka dareemayso burburka ku yimid qoysaska kuwa qurbaha iyo kuwa gudahaba, ragan aan mijinta ka kicin ee aan ka warqabin xaalada ay ku suganyihiin qoysaskoodi oo qaarkood ka quusteen bari hore. Waxaad maqlaysaa hebel dhawr biloodba kamuu soo ag wareegin guriga akhsriste ninkan la sheegayo mafrash buu fadhiyaa oo uu dhex seexdaa. Waxaa kaloo ta qoyska inuu dheer burburka dhaqaale ee laxaadle maalintii qudha ugu yaraan million dollar ama $1,000,000 ayaa lagu qayilaa caasimada Hargeysa oo qudha dhexdeeda kaaga daran qaadkan la cunayo maaha mid dalka ka baxa

oo xataa faaido ay ku qabaan muwaadiniinta dalka u dhalatay ee waa mid laga soo waarido dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, qaadkaas oo si qaab daran loo beero oo nadaafada ka aradan ayey bulshadeenu cuntaa hadh iyo habeen min aroor ilaa saqda dhexe afkaa lagu wada hayaa yar iyo weyn rag iyo dumar. Dhaqaalahaas aan hore u soo qaatay waa mid ku filan in lagu dhiso wadada Ceerigaabo bil gudaheed oo u dhiganta $30,000,000. Mudane dowladan wax qorshe ah oo ku aadan aafadan meel ma u yaalaan mise iyadaabaa kow ka ah qaad cunista oo wasiiradeedu mafrashyada dhaqan xumada faafiya masruufa.

Qabyaalada oo iyana halis kale ah oo laga soo bogsaday in mudo ah ayey dowladani naxashkii kala soo baxday waxaanaad arkaysaa dadkii oo jilib jilib isu haysta iskabadaa reer hebelteeni hore, shirar beeleedkii la nacay ayaa iyana soo labo kacleeyey oo reer kasta shir ku baaqayo xataa reeraha qaar oo aan horeba u shiri jirin ayey dhaqan xumada dowladani baday inay aayaheeda ka shirto madaama aanay jirin dowlad dhexe oo ka adag adeegyada bulshada iyo isku xidhkeeda. Waxaad arkaysaa dowladii dhameyd oo ka dhamaan la beel hebel oo kulba qolo la shiraysa ilaa ay xisbiyadiina gashay bahasho. Dhaqaalaha dalka oo qaab beelaysan  loo qaybsado aan hab cadaalad ah lagu bixin qandaraasyada sida qandaraaska Egal Airport oo si hoose loo siieye ganacasade xiga madaxweyne Siilaanyo.

Labadan cudur hadaan bulshada laga qaban keeni kara in ay faraha ka baxdo noloshii caadiga ahyed ee bulshada kuna soo kordhiso cuduro cusub, dilal sida dilkii foosha xumaa ee ka dhacay caasimada Hargeysa.

Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh

Exit mobile version