Madax Dhaqameed Ka Soo Jeeda Deegaanka Gobolka Bay Oo Lagu Laayey Degmada Buur-Hakaba | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madax Dhaqameed Ka Soo Jeeda Deegaanka Gobolka Bay Oo Lagu Laayey Degmada Buur-Hakaba
March 24, 2014 - Written by Editor:
MUQDISHO(Wajaalenews);Siddeed ka mida Oday dhaqameedka Gobolka Shabeelada hoose ayaa galabnimadii axaddii shalay lagu dilay Degaan u dhaw degmada Buur-hakabo ee ka tirsan Gobolka Bay. Odayaasha ayaa lagala degay Gaari ay ku safrayeen, ka dibna inta Indhaha laga xiray la toogtay, iyadoo Todoba ka mid ahi halkaasi ku geeriyoodeen halka mid kalena dhaawac u dhintay goordambe.
Ilaa hadda lama Oga cid ka dambeysay Odayaashan oo ka mid ahaa Madaxdhaqameedka Odayadii soo dhisay Maamulka Koonfur galbeed Somalia ee ka kooban lixda Gobol kaasi oo dhawaan lagaga dhawaaqay Magaalada Baydhabo.
Sarkaal ka tirsan Kooxda AL-shabaab oo Idaacadda BBC-du la xiriirtay ayaa sheegay inaanay masuul ka ahayn Dilka Noocaasi ah islamarkaana aanay waxba kala socon cida fulisay. Magaalada Baydhabo ayaa mudooyinkii u dambeeyay ay ka socdeen Shirar iska soo horjeeda oo lagu dhisay laba maamul oo mid ka kooban yahay 6 Gobol halka ka kale 3 Gobol ka kooban yahay.
Guddoomiyaha degmada Buur-hakabo, Cali Xassan ayaa warbaahinta u sheegay in odayaasha oo marayay deegaanka Jameecada lagala degay Gaariga ay wateen, iyadoo saacado kaddibna maydadkooda lasoo dhigay meel ku dhow halkaas.
Maydka Odayaasha ayaan wali la Aasin iyadoo Waxgarad iyo Madaxdhaqameedku ku sii qulqulayaan degaankaasi si ay uga qayb qaataan Aaska iyo barista cida ka dambeysay Dilkooda.

COMMENTS
LINKS