|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Wasiiro Tiro Badan Oo Kamid ah Xukuumada Cusub Ee Madaxwayne cirro.
January 6, 2025 - Written by Editor:Akhriso; Gollaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey 19 wasiir oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Cirro 1: Maxammed Yuusuf Cali Wasiirka Wasaaradda Gaashaan dhiga. 62 xildhibaan baa ogolaaday 3baa ka aamusay guddomiyuhuna ma codayn 2: Cabdiraxmaan Daahir Aadan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda 59 baa ogolaada saddexba ka aamusay saddexna waa ay diiday 3: Xasan Axmed Ducaale Wasiirka wasaaradda Dawladaha Hoose 64 Ayaa u codeeyey hal mudana ayaa diiday 4: Ismaciil Yuusuf Ducaale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda 65 muddane ayaa ogolaatay 5: Gollaha wakiiladda ayaa ansixiyey Khadar Xuseen Cabdi Wasiirka Madaxtooyada. 65 mudane ayaa ogolaaday 6: Gollaha wakiiladda ayaa ansixiyey Dr Xuseen Bashiir xirsi Wasiirka wasaaradda Caafimaadka 65 muddane ayaa u codeeyey 7: Gollaha wakiiladda ayaa ansixiyey Milgo Maxamed Cilmi Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshadda 56 muddane ayaa u coddeye 8: Axmed Maxamed Faarax Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha 65 muddane ayaa ogolaaday 9; Jamaal Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-yada 65 muddane ayaa ogolaadday 10: Cismaan Ibraahim Nuur Af gaab Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka 65 muddane ayaa ogolaaday 11: Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi Wasiirka wasaaradda Qorshaynta 65 muddane ayaa ogolaaday 12: Siciid Maxamed Buraale Wasiirka wasaaradda Maalgashiga 63 muddane ayaa ogolaaday 13: Cabdilaahi Jaamac Cismaan “Geeljire” Wasiirka wasaaradda Deegaanka 64 muddane ayaa u codeeyey 14: Cabdilaahi xasan aadan Cawaale Wasiirka Wadaaradda Maaliyadda 65 muddane ayaa u codeeyey 15: Cabdiraxmaan Xassan Nuux Furre Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska 65 muddane ayaa ogolaaday 16:Axmed yaasiin Sh Cali Ayaanle Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta 65 muddane ayaa ogolaadday 17: Cabdillaahi daahir Jaamac Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta 64 muddane ayaa u codeeyey 18:Xuseen Axmed Caydid. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud dhulka iyo Guriyeynta. 63 muddane ayaa ogolaaday 19: Cabdale Maxamed Carab “Sandheere” Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Amniga 65 muddane ayaa ogolaadday COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|