Siyaabo farabadan ayaa loo takooraa dadka la hayb-sooco.Iyadoo ay ugu wacan tahay xaaladooda bulsho iyo dhaqaale
ASC/Mark hore waxan salaan xushmad iyo qadriin ku dheehantahay ku salamayaa dhamaan bahda saxaafada xorta ah ee reer somaliland iyo dhamaan shacbi weynaha reer somaliland ee daafaha dunida ku kala nool. Salaan ka dib qormadani waa qaybtii labaad qormadii ”BEESHA GABOOYE EE REER SOMALILAND CIDNA UMA ROONA IYAGUNA ISKMA ROONA}WAA QORMADDII MAANTA IYO MRGABOYE”Qaybtii 3-aad” qormadaan waxay ka hadlaysa Xukuumada talada manta haysa jsomaliland ee uu madaxweyne ka yahay ‘’mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siiraanyo’’ iyo xisbigiisa Kulmiye qasaare iyo faaiido waxay ka heleen muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer somaliland..
Waxaa hubaala in muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer Somaliland ay ka dhigaan yihiin sidii ‘’inankii yaraa ee yiri hadba hooyaday kii guursada waa adeerkay’’ taas waxay ka dhigaantahay in hadba
xisbigii talada dalka u qabtaaba uu beelaha gabooye madaxa u salaaxo iskagana dhigoo kii ugu cadaaladsana .
Inkastoo ay beelaha gabooye markastaba yihiin kuwo quus ka taagan xukuumadii marka hogaanka u haysa jsomaliland hadana waxaan shaki ku jiriin in markuu xisbiga kulmiye uu ololaha ugu jirey halgankii hanashada hogaanka dalka iyo soo jiidashadii barnaamijkiisii siyaasadeed ee uu ku kasbanayay hanashada codka dadweynaha reer Somaliland iyo mooqifka siyaasadeed ee uu xisbiga kulmiye wakhtigaa ka qabay muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer Somaliland wuxuu soo bandhigayay inuu aaminsanyahay in beelahan gabooye ee reer Somaliland in wakhtigaas ay ka maqaantahay xaquuqdooda siyaasadeed iyo mida bini adamnimaba wuxuuna qiraaayay in siyaabo badan dadkan muwaadiniinta ah beelaha gabooye loo duudsiyay looguna tuuntay xaquuqdoodii wuxuu ku balan qaadayay inuu is badal dhab ah oo ku salaysan barnaamijkiisa xisbi siyaasadeed iyo dastuurkiisaba ay ka go,aantahay iney si sinaan iyo cadaalada beelahani u heli doonan xaquuqdooda aasasiga ee siyaasada dalka ay xaqa ugu leehyihiin taasina waxay keentay in beelaha gabooye ay gasho hami cusub iyo riyo aanay arkayn iyagoo aaminsana in mar uun ay arki doonan xisbi cadalada ku darsaoo waliba xisbiga kulmiye ay aad ugu hanweynayeen marka laga eego madaxweynaha markaa xisbiga kulmiye ee doorashada u taagnaa inuu ahaa mujaahiid shalay wuxuu mucaaradka ugu noqday wakhtigii dowladii soomaaliya la oran jirey ay ka mid ahayd jsomaliland inuu ahaa siyaasigii ka dagaalamayay cadaalad xumada iyo sinan la aantii reer Somaliland marka haysatay ,sidaa darted ay naruuro iyo kalsooni badan gashay beelaha gabooye in haduu ku guulaysto xisbiga kulmiye iyo madaxweynahooodu ay kala kulmi doonan sinaan iyo cadaalad ayna heli doonan xaquuqdooda muwaadinimo ,bal waxyar ila eega waxyaabaha beelahan hamigoodii siyaasadeed ee lunsanaa soo nooleyay waa siyaasadi barnaamijka xisbiga kulmiye iyo fikirka iyo aragtida mooqifka cad ee ay xisbi ahaan ka taagnayen wakhtigaa muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer somalialdn.
XIV. SIYAASADDA XISBIGA EE DADKA LA HAYB-SOOCO.
Siyaabo farabadan ayaa loo takooraa dadka la hayb-sooco.Iyadoo ay ugu wacan tahay xaaladooda bulsho iyo dhaqaale, waxa laga duudsiyey ka qaybgalka dhaqaale, waxbarasho iyo siyaasadeed.
Xisbiga Kulmiye waxa ka go’an tirtiridda nooc kasta oo takoor ah, gaar ahaan, kan ku salaysan hayb-sooca. Kulmiye wuxu aqoonsanyahay in dadka la hayb-soocaa ay dulman yihiin, sidaas daraadeed, waxa ka go’an inuu dadkaas ka awood-siiyo dhinacyada dhaqaalaha, waxabarashada, iyo siyaasadda.
Kulmiye wuxu aaminsan yahay in awoodsiinta noocaas ahi ay muftaax u tahay wax ka qabashada takoorka dhaqanka ka soo jeeda iyo la dagaalanka macaamilka xun ee lagu hayo qayb bulshada ka mid ah.
Si dadka la hayb sooco loogu soo celiyo xurmadoodii bin’aadminimo, iyadoo hoos loogu daadegaayo nuxurka dhibaatada, xisbiga Kulmiye wuxu qaadayaa tallaabooyinka soo socda:
1. In xeer ahaan loo qoondeeyo tiro kuraas ah ee wakiilnimada siyaasadeed heer deegaan iyo heer qaran.
2. In dhiirrigelin iyo tixgelin loo siiyo dhinac-yada waxbarashada iyo shaqada dawladda.
3. In la meel mariyo siyaasado iyo shuruuc lagula dagaalamayo cudurkan bulsho, laguna joojinayo takoorka haybta ku dhisan, xeerar adagna laga soo saaro.
4. In saraakiisha dawladda iyo sharci fulinta lagu wacyi- geliyo dacdarrada Kooxaha laga Tirada badan yahay, sidaas daraadeed, la diiwaan geliyo lana baadho xadgudbayada ku xidhiidhsan haybsooca iyo gefafka laga galo Dadka laga Tirada badan yahay
5. In la abuuro barnaamijyo gaar ah oo loo habeeyey tababaridda Dadka laga Tirada badan yahay gaar ahaan xirfad siintooda
6. In loo abuuro fursado ay ku qaataan deyn fudud si kor loogu qaado ganacsiga yar yar ee ay ku hawlan yihiin…..
Marka aad aragto barnaamijkan iyo dastuurka siyaasadeed ee xisbiga kulmiye waxad dareemaysa inuu yahay xisbi ay ka go,aantahay inuu dhibaatooyinkas si cadaalada wax uga qabaan doono una hiiilin doona xaqa iyo cadaladada ,hadaba muwadiniinta beelaha gabooye waxaa wakhtigaa galay han iyo hami siyaasadeed oo ay mudo badaan ku naaloonayeen inay mar uun arki xisbi daacada sida xisbigan kulmiye iyo barnaamijkiisa siyaasadeed ee u hiilin doona xaquuqdooda la duudsiyay siduu xisbi ahaan kulmiyeba inoogu cadeeyey barnaamijkiisan siyaasadeed waxay beelaha gabooye aaminsanayeen wakhtigaa inuu madaxweyne axmed maxamed maxamuud uu dulmiguu shalay ka dagaalamayay aanu marnaba isaga iyo xisbigiisu dulmi iyo cadaalad la aan kula dhaqmeyn muwaadiniintiisa laakiin tii waa beenowdoo waxay noqotay dhalaanteed dhab noqon waa ,markuu xisbiga kulmiye ku guulaystay hogaanka dalka ,waa iska ilaawey sinaantii iyo cadaaladuu xisbiga kulmiye ugu baaqayay inuu siin doono muwaadiniinta beelaha gabooye ,hankie iyo hamigii iyo riyadii beelaha gabooyena god labaad uunbay ku dhacday walina xaquuqdoodi ay ku maqantahay ,wax is badal weyna oo faaiido u ah beelahan gabooyena kalamay kulmiin xisbiga kulmiye ,kursigii boqortooyada beelaha gabooye ee kolba reer la saarayayna halkiibuu u yaala ,xisbiga kulmiye wuxu isla markiiba kursigii boqortooyada u magacaabay waa wasiir ku xigeenkii ay beelahani ku lahayeen golaha wasiirada xukuumadda Somaliland ayuunbuu madaxweyne siiraanyana ku soo kordhiyey inuu si cadaalad iyo sinaan uu beesha sadeexad ee magacan gabooye loo yaqano ee beesha tumaalod inuu u magacaabo wasiir ku xigeen ka soo jeeda beesha waana tanka liya ee aan oran karo waa cadaalada ay samaysay xukuumada madaxweyne axmed maxamed maxamuud siiraanyo ,waayo xisbigii ka horeyey wuxuu wasiir ku xigeenkas laba goor ukala siiyay laba beelood oo kal duwan oo isla gabooye ah sida beesha madhiiban oo mar haysay xilkaas iyo tii ka dambaysay oo beesha muse dhariye ah ,markaa waa cadaaladii ugu qiimaha badnayd inuu maddaxweynaheena axmed siiraanyo uu si cadaalad xilkkasnimo daacadnimo isna beesha sedexaad ugu magacaabo xilkaas oo ah beesha tumaalod ,
Waxaan intaas ku sii daraya oo iga baaqa in sidaa si leeg xukuumada dambena ay si cadaalada iyo xaq ah ay xilkaaas wasiir ku xigeenka ay ugu magacawdo beesha afraad ee ka mida beelahan gabooye oo iyadu wali xilkaaas heliin cid kale oo uga xaqlihina jiriin manta sugaysana inay wakhtigeeda hesho xilkas waa beesha ANAAS AMA YIBRAHA ,oo ruuntii ah beesha aan wali heliin xilkaas .
Waxaa kale oo ay xisbiga kulmiye soo kordhiyeen waa la taliyaha madaxweynaha jsomaliland ee beelaha gabooye ee madaxweynaha oo uu madaxweyne axmed maxamuud siiraanyo isla markiiba u magacabay nin gabooye ah waa waxyaabaha aan u arko inuu madaxweynaheena si cadaalada beelahan gabooye u sameyey balse aan u qalmiin shaqsiga iyo qofka uu u magacaabay xilkaas waayo ,beelahan gabooye umay fadhiyiin xilkaas ee waxay u fadhiyeen xaquuqday dalkooda ku lahayeen balse anigushaqsiyaan waxan aaminsanahay inanu uba qalmiin aqoonyaahnka xilkas loo magacay la taliyaha madaxweyen waa ‘aqoonyanka ahna garyaaqaan ,ah haldoorka dhaliinyarada aqoon iyo kartina ilaahay u siiyay waa Mudane Barkhad Jamac Xirsi ‘marnaba aqoontiisa iyo kartidiisu umay qalmayn lataliye madaxweyne ee wuxuu u qalmay xil ka qaalisaan ilaa heer sawiir ,balse waa cadaalada iyo sinaanta dalkayga taala taasi ,
Waxa sii dheer oo ruuntii ay inta badan xukuumadda siiraanyo ku dooda waxaanu nahay xukuumad ahaan tii ugu waxqabad badnayd beelaha gabooye dhanka shaqo galiinta dhaliinyarada ama aqoonyaahnka waxayse ka tageen inayna dhaliinyaradani iyo aqoonyahanka muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer Somaliland ahayn kuwa qaxooti dalka ku ah ama ku dulsaar oo la gargaarayo ee lakiin ay markastaba xaq ugu leehyihiin aqoontooda iyo kartidoodaba inay si xor ah xaq ugu leehyihiin inay ka mid noqdaa shaqaalaha wasaaradaha xukuumada iyo golayaasha kala duwaan ee dalkooda hooyo ,laakiin xukuumad ahaan marka ay ku faanayso anaaga xukuumad ahaan ah kuwii ugu waxqabadka badna waxaad dareemaysa inay u arkayan muwadiniinta beelaha gabooye in wali dulsaar ku yihiin dalka waxyna xaq ugu lahayna la siiyay.
Waxaad dhankstaba ka arkaysa inayna wax faaiido ah aanay umadani wali ka heliin xaquuqdii muwadinimo ee ay dalkooda iyo xukuumadoodaba aanay uga heliin ,waase Ayaan daro in qaliinka madaxweynaha dalku uu ka xishoodo inuu qoro xaquuqda ay beelahan gabooye xaqa ugu lehyihiin oo ah heer wasiir iyo wixii u dhigmaba hadaba waxad arkaysaa in wali beelahani yihiin kuwo u dhiigma siyaasada ka jirta dalka soomaaliya oo ah 4.5 ee beelahan gabooye ka yihiin ,jsomaliland ay beelahan gabooye ka yihiin 5.1 oo ah shanta beeelood ee siman iyo beelaha gabooye oo ah haf beelo badh ah.
Hadaba waxaa iga su aala hadaad tihiin akhristayaasha sharafta badan iyo aqoonyahnka reer Somaliland ee jecel sinaanta iyo cadalada muwaadinimo iyo wada jirka midnimada qarankeena jsomaliland marka aad sifiican u akhrisaan barnaamijiisa siyaasadeed iyo dastuur ee xisbiga kulmiye xagasarena aan idinsoo ,su aashaydan hoose .
S-barnaamijka siyaasadeed iyo dastuurka xisbiga kulmiye ee talada dalkeena hayaa ma yahay mid ka dhabeeyay mooqifkiisa siyaasadeed iyo midkisa dastuurba ee ku aadan muwaadininta beelahan gabooye mid ka dhabeeyey o oo il cadaaladeed ama sinaan kula dhaqmay muwaadiniinta Beelaha Gabooye ee reer Somaliland ?
wa iga su aal taas jawaabtana waxan uga tagaya aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Somaliland ee jecel sinaanta iyo cadaalada dalkana hooya .
Isku soo wada duuboo waa cadaalad xumida iyo sinaan la aanta ka haysata beelaha gabooye hadba xukuumadii talada dalka u haysa jsomaliland iyo waxtarka faaiidooyinka ay ka helaan xukuumadooda oo ka dhigaan hooyoo ku go ,taasna waxay u horseeday tawaawaca iyo towsi xumida haysata muwaadiniinta beelaha gabooye ee reer Somaliland ay wali la daala dhacaayan,nin la tumaayse taloo u taala ,
la soco qaybta 4-aad iyo qormada manta iyo mrgaboye.
Wabilaahi towfiiq.
By-Barkhad Xaaji Cabdi’’MrGaboye’’
Email:abokoriye1@hotmail.com
Kicthener Ontario Canada.