Baarlamaanka iyo saxaafada Somaliland oo isku waafaqay in la dhaqan galiyo xeerkii saxaafada Somaliland ee 27/2004 iyo in wax baahiya aan loo qabin xeer cusub…… | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baarlamaanka iyo saxaafada Somaliland oo isku waafaqay in la dhaqan galiyo xeerkii saxaafada Somaliland ee 27/2004 iyo in wax baahiya aan loo qabin xeer cusub……
March 20, 2014 - Written by Editor:
Labada  geesood oo seeska u dhigay  shan qodob oo ay ka mid tahay in gudi  daba gasha dhaqan-galinta xeerka saxaafada  ee 27/2004 oo ka kooban saxaafada iyo baarlamaanka la sameeyo.

 

Hargysa(Wajaalenews); : mudanayaasha aqalka wakiilada Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee saxaafada Somaliland  oo ay hormood ka yahay ururka SOLJA ayaa isku waafaqay in xukuumada Somaliland dhaqan galiso xeerka saxaafada Somaliland ee xeer no 27/2004  sidoo kale waxay labada dhinac isla qaateen shan qodob oo uu ka mid yahay in la sameeyo gudi ka kooban labada dhinac ee wakiilada iyo saxaafada gudidaas oo daba gasha dhaqan galinta iyo ka shaqaysiinta xeerkaa saxaafada ee xeer no 27/2004

Sidaana waxaa la iskula qaatay kulan maanta ka dhacay huteelka maansoor ee magaalada hargaysa kulankaas oo uu soo diyaariyay ururka SOLJA ayna maal galisay hayada horumarinta dimuqraadiyada ee NED    kulankaa waxaa kasoo qayb galay  7 xilibaan oo ka kala socday gudi hoosaadyada golaha wakiilada Somaliland oo uu gudoominayay gudoomiyaha gudida arimaha bulshada xasan cawaale caynaan  iyo 23 weriye  oo ka kala socday xarumaha warbaahinta Somaliland ee madaxa banana iyo ta dawladaba  waxaaana kulankaa lagu lafo guray caqabadaha hortaagan xeerka saxaafada iyo sidoo kale dhibaatada suxufiyiiinta ka haysata xadhiga sharci darada ah ee kusii badanaya saxaafada Somaliland  iyo sababta uu u shaqayn layahay xeerka saxaafada Somaliland  iyo heshiiskii ururka SOLJA iyo xukuumada Somaliland oo ilaa heer madaxweyne gaadhsiisnayd ay ku galeen January 2012 in la dhaqan galiyo xeerkii saxaafada ee 27/2004 iyo arimo kale oo farabadan oo lagu falanqeeyay  kulankaas  kadib Waxaa kasoo baxay shan qodab oo kala ah.

1.     In la sii xoojiyo xidhiidhka wada-shaqaynbeed ee Golaha Wakiilada iyo Saxaafada xorta ah

2.     In la sameyo Guddi wada jir ah (joint-commitee) oo ka kooban saxaafada iyo golaha oo dabagasha ixtiraamida xoriyatal qowlka iyo dhaqan gelinta xeerka saxaafada

3.     In la dhiiri galiyo dhaqangelinta xeerka saxaafada ee 27/2004  isla markaana aan loo bahnayn in la samayo  xeer saxaafadeed  hor leh iyadoo aan kii hore lagu shaqayn .

4.     in Golaha Wakiiladu sameeyo xafiis u gaar ah saxaafada oo ka hawl-gala isku soo dhaweynta labada dhinac

5.     in ay saxaaafadu ixtiraanto kuna dhaqanto xeerka saxaafada ee 27/2004 iyo xeerasha kale ee caalamiga ah ee mihnadooda wanaajinaya

 

DSC05972DSC05981

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS