Agaasimaha Cusub Ee Cisbitaalka Qaaxada Ee Hargaysa Oo Si Rasmiya Xilkii Ugala Wareegay Agaasimihii Hore. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimaha Cusub Ee Cisbitaalka Qaaxada Ee Hargaysa Oo Si Rasmiya Xilkii Ugala Wareegay Agaasimihii Hore.
March 1, 2014 - Written by Wariye:

u_113244d_2013-10-13-11-25-54f_breaking_news_1_Hargaysa(Wajaale News):-Xaflada Xil Wareejinta  Oo Ka Dhacday Xarunta Cisbitaalka Ayaa Waxa Ka Soo Qeyb Glay Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka Dhakhaatiir Iyo Hawlwadeenada Caafimaadka Ee Cisbitaalkaasi Waxaana Halkaasi Ugu Horayn Ka Hadlay Agaasimimihii Hore  Cisbitaalka Qaaxda Dr Cismaan Cabdi  Maygaag  Waxaanu Sheegay In Cisbitaalka Qaaxada Magaaladda Haragaysa Uu Ka Kooban Yahay Todobo Waadh Oo Ay Yaalaan 220 Sariirood Kuwaasoo Kala Ah Afar Waadh Oo Rag Ah Laba Dumarka Iyo Mid Caruurta Ah , Islamrakkaa Xiligan Ay Jiifaan Bukaan Dhan 110 Qof Oo Cisbitalka Laga Siiyo Dawadda Iyo Cuntada Sedexda Wakhti, Halka Sideed Boqol Oo Qof Oo Bukaan Socod Ahana Dawlada Lagu Siiyo Aragti Waxaanu Intaa Ku Daray In Cisbitaalka Ay Ka Ahwl Galaan Shaqaaledhann 71  Qof

Oo Isagu Jira Dhakhaatiir , Kalkaaliyeyaal Caafimaad Iyo Shaqaale Hoosaad Kuwaasoo Uu Tilmaamay In Ay Yihiin Lafdhabarta Uu Culaysku Ku Socdo Isagoo Agaasimaha Cusub Ka Codsaday In Uu Si Gaar Ah Ugu War Hayo Shaqaalaha.

Waxa Isna Halkaasi Ka Hadlay Agaasimaha Cusub Ee Cisbitaalka Qaaxada Magaaladda Hargaysa Dr Maxamed Axmed Cabdi [ Carabayto]  Oo Sheegay In Uu Ku Dadaali Doono Inta Awoodiisa Ah In Uu Horumariyo  Adeegayada Tayo Iyo Farsamo Ee Cisbitaalka Isagoo Shaqaalahana Ka Codsaday In Ay Ula Shaqeeyan Sidii Ay Ula Shaqayanayeen Agaasimihii Hore.

Wasaarada Caafimaadka Dr Sayid Ismaaciil  Kaasoo Sheegay   Cisbitaalka Qaaxda  Ee Magaalada Haragaysa In Uu Yahay Cisbitaalka Ugu Fiican Eek U Yaala Geeska Afrika Kaasoo U Adeega Dadyow Ka Kala Yimaada Wadamada  Mandaqadda Geeska Afrika  Waxaanu Sheegay In  La Tacaalo Cidhib Gaoynta Xanuunkaasi Qaaxada , Waxaanu Agaasimihii Waxa Isdoo Kale Kale Ka Hadlay Xidhiidhiyaha Mashruuca Qaaxda Ee Hore Ku Amaanay Heerka Uu Soo Gaadhsiiyay Cisbitaalka Isagoo Agaasimaha Cusubna  U Rajeeyay In Uu Halkaasi Kasii Amboqaado.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS