Xildhibaan cabdiqaadir jaamac xaamud oo ka tirsan Golaha wakiilada Jsl ayaa sikulul u canbaareeyay xeer hoosaadka goluhu ansixiyay dhawaan kuna tilmaamay mid Dastuurka baalmarsan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan cabdiqaadir jaamac xaamud oo ka tirsan Golaha wakiilada Jsl ayaa sikulul u canbaareeyay xeer hoosaadka goluhu ansixiyay dhawaan kuna tilmaamay mid Dastuurka baalmarsan
February 3, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS; Cabdiqaadir jaamac xaamud oo kamida xildhibaanada laga soo doorto gobolka sanaag ayaa ku tilmaamay xeer hoosaadka dhawaan goluhu ansixiyay xeerkaasi oo uu ku sheegay mid ay dabada kariixayaan koox sharwadayaal ah oo golaha ka tirsan.

ISagoo tilmaamay in aanay sharciyan sax ay ahayn aritaasi dastuurkana baal marsan tahay

Hadaba mar uu caawa shabakada wajaale u waramay ayuu iftiimiyay in arinta kala soocaysa golaha wakiiladu baal marsan tahay sharciga, wuxuuna yidhi waxaa wax laga xumaado ah in arin baal marsan National entresska qaranka Somaliland uu ku kacay gudoomiyuhu  isagoo xaqii dastuurka somaliland wada siinayay shir gudoonka  uu ka dhagay mid kala saraysiinaya.

Sharciguna wuxuu an sax noqonayaa marka la dhagaysto labada dhinac ee is haya lakiin ma na saxayo dhinac kaliya oo ladhagaysto.

Arintanina waxay ahayd mid midab takoora oo shir gudoonkiina lagu ceebeeyay oo layidhi midna sare fadhiiso midna layidhi hoosta fadhiista. lakiin ‘in beelina hoosta fadhiisato baalina kor fadhiisato  cagliga magalayso, ‘beelaha somalilandna way u siman yihiin qarankan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in gudidii arinta loo saaray soo naaqishida xeerhooska loodiray ay sifiican u soo diyaariyeen, arinta awood dhimista laba kuxigeena awooda lagaga dhimayana  lagaga dhex daray(golaha dhexdiisa)

 

Wuxuuna iftiimiyayxidhibaan cabdiqadir in arintaasi baal marsan tahay dastuurka Somaliland xeerkastana waxaa laga dheega dastuurka,dastuurkina wuu baalmarsan yahay

Waxaan rajaynayaa in arintaa lagu dhamayn doono isku tanaasul iyo is ixtiraam taasi oo somaaliland ku caana maashaya cidkastana waxaa ka sareeya dastuurka ayuu yidhi xildhiban cabdiqadir jaamac xaamud.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL; wajalenews@gmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS