Wasiirka-CaafimaadkaOo-Digniin-Adag-Udirey-Madaxda-Maamulka-PuntlandUguna-Baaqay-Inay-Joojiyaan-Colaada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka-CaafimaadkaOo-Digniin-Adag-Udirey-Madaxda-Maamulka-PuntlandUguna-Baaqay-Inay-Joojiyaan-Colaada
February 7, 2014 - Written by Editor:
WAJAALENEWS Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa waxa uu digniin u diray madaxwaynaha cusub ee maamulka Puntland oo uu uga digay inuu wax faro-galin ah ku sameeyo deegaano ka mid ah Somaliland, kaas oo ugu hanjabay inuu isagu masuul ka noqon doono khasaaraha iyo dhibaatada ka dhalata dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah Somaliland ee uu wado sida uu yiri Dr Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo wax laga waydiiyey sida uu u arko hadalo doraad ka soo yeedhay Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland C/wali Gaas oo isagu sheegay inay ka go’an tahay inuu dib u sooceliyo deeganada maqan ee puntland ayaa waxa uu ku jawaabay oo uu yiri “Run ahaantii hadalkaasi waxaan u arkaa mid hurinaya colaad iyo dhibaato, C/wali Gaas waa nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan ah hadana waxaan uga digayaa inuu isku dayo talaabo kasta oo keeni karta colaad, waxaanan mar kale uga digayaa inuu haba-yaraatee uu faro-galin ku sameeyo deegaano ka mid ah Somaliland”. “Waa laga soo gudbay wakhtigii qabiilka iyo isirka ee laga dhaxlay dagaaladii sokeeye. Somaliland xuduudeeda way taqaanaa oo 5KM ayey xuduuda Somaliland u jirtaa magaaladda Garoowe, sida runta ahna colaadu nina dan uguma jirto. C/wali Gaas-na waxaan u sheegayaa oo aan xasuusinayaa in Puntland tahay saddex gobol oo waliba saddexdaba ay dhibaatooyin ka jiraan oo amni daro iyo horumar la’aani ka jirto’e aqoontiisa goboladiisaasi ha galiyo oo wax ha u qabto, wixii faro-galin ah ee uu Somaliland ku soo sameeyo-na caano ka maali-maayo, Somaliland waxay xaq u leedahay inay is difaacdo oo xuduudaheedana sugto oo ilaaliso markaa Sool, Sanaag iyo Buuhoodle waxay ka tirsan yihiin Somaliland, waxaananu diyaar u nahay in cidkasta oo xuduudahaasi soo faro-galisa inaanu ka difaacno dadkayaga” ayuu yiri mar kale wasiir xagl-toosiye oo intaasi kudaray “waa u caqli xumo hanjabaadda uu ku celcelinayo nin 5KM xuduuda ay Somaliland la leeyihiin u jirto caasimaddiisa garoowe oo Boosaaso-na 15KM aanu u jirno, mana filayo inay dani ugu jirto Puntland in colaadi meel 5KM u jirta Garoowe inay ka bilaabanto mar walba waan ka digayaa arintaasi”. Ugu danbayntiina Dr Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye waxaa uu baaq u diray beesha caalamka isagoo yiri “Beesha caalamka waxaanu ugu baaqaynaa inay la socdaan oo ay la taliyaan qolyaha meesha ku cusub ee digniinaha iyo hadalada colaada abuurayaa ka soo yeerayaan, waxaananu dunida u sheegaynaa wixii ka yimaada dhaqdhaqaaqyadaasi waxa masuul ka ah maamulka cusub ee Puntland ee Garoowe ka dhisan.

COMMENTS
LINKS