Wasiirka Biyaha Oo Ka Qayb-galay Furitaanka Ceelal Biyood Oo Laga Hirgeliyey Deegaano Kala Duwan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Biyaha Oo Ka Qayb-galay Furitaanka Ceelal Biyood Oo Laga Hirgeliyey Deegaano Kala Duwan.
February 11, 2014 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News):-Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Biyaha ee Somaliland Xuseen Axmed Cabdullah, ayaa ka qayb-galay Munaasibad balaadhan oo Xadhiga lagaga jaraayey Ceelal biyood, kuwaasoo laga hirgeliyey deegaanka Arabsiyo iyo meelo kale.
Ceelashan biyaha ee la furay ayaa ku kala yaalay Deegaamadda Caddo-Galiiley ee Degmada Boorama, Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gebiley, deegaanka Balliga cas ee Gobolka Maroodijeex, magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, iyo degmada wadaamagoo’ ee Gobolka Saraar.

wasiirka
Wasiirka wasaaradda kheyraadka Biyaha  ayaa si rasmi ah Ceelashaasi ugala wareegay Hay’adda samafalka caalamiga ah ee Islamic Relief oo maal-gelisay shantaasi ceel biyood oo hirgelintooda uu fuliyey Ururka samafalka wadaniga ah ee Somaliland Drilling oo ka ha  wl-gala horumarinta kheyraadka Biyaha .
Mas’uuliyiinta kala ah gudoomiyaha gobolka Gebiley Yuusuf Ibraahin Geeddi, Maayorka degmada

Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi faarax, isu-duwaha wasaaradda biyaha ee Gobolkaasi iyo Nimco Axmed cabdi oo ku hadlaysay Magaca Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmadaasi ayaa dhamaantood muujiyey dareenkooda ku aaddan in markii ugu horaysay taariikhda ay degmada arabsiyo hesho Biyo macaan oo nadiif ah waxana ay uga mahad-celiyeen wasaaradda Kheyraadka Biyaha dadaalkeeda dhinaca balaadhinta biyaha ee ay ka waddo guud ahaan dalka Somaliland.
Mr Caruus Aadan  oo ka socday Ururka samafalka wadaniga ah ee Somaliland drilling ayaa sheegay inay dadweynaha ku dhaqan Maagaallooyinkaasi ay helaan Biyo Macaan oo joogto ah

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS