|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Maanta Kulan Balaadhan La Qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Warbaahinta Somaliland Kana War Bixiyey Waxyaalaha Uu Kulankaasi Daarnaa.
February 18, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-wasiirka arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa kulanka uu la qaatay qaybaha kala duwan ee warbaahinta waxa lagaga hadlayey sidii ay warbaahintu meel uga wada istaagi lahaayeen wararka la xidhiidha qabyaalada ee bulshada Somaliland kala fogaynaya. Kulankan oo ahaa mid aad u balaadhan isla markaana laysku waydaarsaday fikrado badan oo dhaxal gal ah ayaa waxa kale oo lagu soo qaaday diwaan gelinta lagu samaynayo guud ahaan shacabka Somaliland ee ay dhawaan bilaabi doonto wasaarada arimaha gudaha Somaliland iyo sidii ay warbaahintu qaybteeda uga qaadan lahayd. Ka dib markii uu kulankaasi dhamaaday ayaa wasiirka arimaha gudaha Somaliland waxa uu faah faahin ka bixiyey waxyaalaha uu kulankani daarnaa waxaanu yidhi “Maanta waxaanu kulanay dhamaanba warbaahinta ka shaqaysa Somaliland haday yihiin telefishanada,wargeysada, website-yada iyo guud ahaanba meelaha lagu faafiyo wararka, waxaanan u mahad naqayaa dhalinyarada ka socda hay’addahaas oo aqoon is waydaarsi aanu kaga tashanayno sidii Somaliland loo bili lahaa ee wanaageena iyo wixii aynu qabsanay caalamka loogu baahin lahaa, umada Somaliland halka ay ka marayso horu markana lo baahin lahaa si aynu u iibino qadiyada Somaliland ee dhabta ah ee maanta caalamku inagu majiirqanayo.” Ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland Wajaale News Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|