Nadaafad Xumada Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Iyo Suuqyada Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nadaafad Xumada Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Iyo Suuqyada Hargeysa.
February 16, 2014 - Written by Wariye:

waxa kale oo aan arkey in caagado iyo baco laga soo buuxiyo kaadi iyo saxaro kadibna lagu soo tuuro wadooyinka ay marayaan dadka oo dhami cajiib walahi waa wax lala yaabo

sanadkii 2011 oo aan tagey hargeysa waxaan kusoo arkey wax yaabo aad iyo  aad loola yaabo oo nadaafad xumo ah

wax yaabaha iga yaabiyey ee aan arkey waxaa ka mid ahaa xaafadaha qaarkood wey adagtey inaad dhex marto  waayo waxa dhici karta adoo xaafada dhex socda inuu ku qabsado baaldi usgag ah oo lagugu soo daadiyo  waayo xaafadahaasi  waxey sameeyaan usgaga ay dharka iyo weelka ka meydhaan iyo waliba bulaacadaha ayaa guryaha  hortooda qul qulaya      waxaad arkeysaa 2 guri oo iska soo hor jeeda ayaa inta u dhaxeysa 2 daa xaafadood waxaa jiifa biyo usgag iyo bulaacad ah oo ay soo daadiyeen xaafaduhu cajiib

hadaba waxaa si weydiin leh  marka aqalka horteeda lagu soo daadiyo bulaacada iyo usgaga oo

bulaacada iyo usgagu uu jiifo aqalka hortiisa   maxaa laga filan karaa caafimaadka caruurta ee guryahaa ku nool?

miyaaney  dadku damiir laheyn ? qofka bina aadam ah oo waliba muslim ah sidee ayuu guriga uu ku noolyey hortiisa uu ugu daadin karaa bulaacad iyo usgag   ?

waxa kale oo aan arkey  in caagado iyo baco laga soo buuxiyo kaadi iyo saxaro  kadibna lagu soo tuuro wadooyinka ay marayaan dadka oo dhami  cajiib walahi waa wax lala yaabo

miyaaney magaalada ku nooleyn dad islaam ah oo bini aadam ah  oo damiir leh ?

waxaan filayaa  waad garaneysaan xaafadaha uugu liita  xaga nadaafada iyo waliba suuqyada uugu daran nadaafad xumada  waad garaneysaan  meesha ay ku yaalaan  laakiin waa wax lala yaabo oo cajiib

anigu waxaan soo arkey wax damiirka aanu qaadin karin ee idinku ma ila aragteen ???

by cabdi nasir  from  finland

naasir116@hotmail.com,

COMMENTS
LINKS