Maxaa wax looga Qaban laayahay Oromadan buux Dhaafisay dalka ??qalinkii xusen siyaad cilmi(mataan) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa wax looga Qaban laayahay Oromadan buux Dhaafisay dalka ??qalinkii xusen siyaad cilmi(mataan)
February 15, 2014 - Written by Editor:

 

HARGEISA(Wajaalenews)    Caasimada  Somaliland ee hargaysa ayaa waxa buux dhaafiyay oo  ku soo badanaya  baryahan danbe dadka qoxoontiga ah ee ka yimaada dalka aynu jaarka nahay ee itoobiiya,  suuqa wayne ee shiraaqle ayaa dadka qoxoontiga ahi ay soo buux dhaafiyeen walow ay dadweynaha ka ganacsadaa ayiskag taagwaayeen,dadkan qooxtiga ah  ayaa waxay ubadan yihiin OROMO ku waas oo iskugu jira qaar waa wayne iyo kuwo yaryar oo meel walba galaya  oromadan ayaa waxa cabasho xoogan ka muujiyay muwaadiniinta u dhalatay somaaliland hadaba wax is waydiin leh maxay wasaarada arrimaha guduhu u meel ugu samayn laadahay ama ay uga dhex qaban laadahay ???  dadkan oromada ah ayaa waxay faro baas ku hayaan  dadka suuqa ka ganacsada iyo kuwa ganacsanayaba iyagoo wadooyinka isdhex jiidanay waad mararka qaar aad arkaysaa ama indhahaagu ku dhacayaan iygoo isasoo urursaday oo aad ubadan oo suuqa dhexlugaynaya 

      Waxa la arki jiray dal aan lagu dhex arag dadka qoxoontiga ah oo dhex lugaynaya  ama dhex jooga waxa si dirqiya loogu yeelaa kuwa iyagu sita{ dalku jooog}  maantana waad  ka niya jabaysaa markay indhahaagu qabtaan dadkaa oromada  ah oo wadooyinka halbawlaha u ah  magaalada hargaysa is dhex lugaynaya  ama si edeb daro ah u dawersanaya ,dadkaa oromada ahi waxay booskii kasaareen kuwii u dhashay dalka ee iyagu baahnaa tamaannta dalkeenana ka jirtaa waxay tahay hadii la arko qof soomaali ah oo dawersanaya inlala yaabo halka kuwa oromada ahna wax lasiinayo ee la soo dhaweynayo oo laleeeyahay waa masaakiin ee daaya  waad ka warhaysaan inta waashmaan ee guryaha ilaaliya ama kabasheqeeya waxay u badan yihiin dad oroma ah sawkuwan maalinkan manta ah oromadii ina dhexqaaday ,ee inagu dhex Milantay  ma wax lawaayey intaa dawladeed ee dalka soomartay dawlada inaga dhex qabata oromadan  ??

     Waxay marayaan oromadii dalka ku noolayd inay inoo taliyaan xaafad walba oo ka mida hargaysa waydagan yihiin wax soo socota maalin ay yeelan doonaan gobal kamida somaaliland oo ay iyagu isku magacaabeen oo gacantoodaku samaystaan, maah maah soomaaliyeed baa tidhaahda “Nimaan waxa  soo socda garani waxa joogana ma garto “ halkaa ayaa ay marayaan dadkii inga dhex qaban lahaa dadkan oromada ah waxa ka dhacday habeen aan inaga fogay magaalada hargaysa gaar ahaan xaafado ka mid ah xaafadaha laba gabdhood oo oromo ah ayaa waxay afduubteen gabadh yiduna ah oromo laakiin iyadu da’ahaan ka yar waxa dhaawaca  u maygaysan  laakiin waxay ka qaadeen moobilkan gacanta ee ay isticmalaysay walina waxa lagaaran laayahay waxay ugu damceen iyo waxay u gaysatay ,oromadani waxay ku kaceen falal aanay aqoonin kuwa soomalida ahi waligeedna anay ku dhicin gabdho soomaliyeed oo waxaa sameeya , markay taas ay ku kacaan manta  baritoolana maxaad lagafilan karaa ??hawshan iyada ah ayaa waxa gabtay wasaarada arimaha gudaha oo haboonayd inay wax ka qabato oo ay gooni uga saarto  dabadeena ay u samayo xeryah qoxoontigga loogu talagaalay 

       Mahaboona inay dad qoxoonti ahi ina soo galaan oo ay ina dhex qaadan oo muwaadiniinteenu ay ka shaqaysan kari waayaan waxa lalyaabo manta inoo ma ah waayo waxa jira dadweyne ku nool magaalada hargaysa oo hore uga cawday lana fulin waayay waxan aan laga soo qaaadin , Akhriste marka manta muwaadiniintii waxba laga aqbali waayo oo cabashadooda la fiiri waayo maxaa kale oo loqaban ??  dadka oromada ah ayaa inaga soogala galbeedka magaalada hargaysa iyagoo ku soomara dhumaalaysi iyo si koootorbaana waxa jira gawdhi iyadu laaluush ka qaada oo soo galisa caasimada taasina waxay cadaynaysaa ninka dirawalka ah ee dadlkiisa hooyo u ogalaaday inuu soo galiyo qoxoonti oromo ah muxuu u soo wadaa dalka??  muxuu u soowadaa dadka??

      Dadkan oromada ah ayaa waxa iyana cabasho xoogan ka muujiyay  dadweynaha ku dhaqan gobalka boorama halakaas oo ay aad ugu badan yihiin dadkan qoxoontiga ahi dadkan ayaa waxay ka yimaadaan wajaale iyagoo si qarsoodiya u soo galaya caasimada maahan markii ugu horaysay ee ay ka hadalaan dad weyne ku dhaqan guud ahaan soomaliland

 guntii iyo gabagabadii waxaan u gudbinayaa wasaarada arimaha gudaha inay wax ka qabato dadkan OROMADA ah ee laga shaqaysan kari laayahay, wadooyinka laga mari laayahay  gawaadhiduna khaati kataagan tahay iyagoo iska laad laadinaya daaqada baabuurta wada taagan ama kuwa marayaba dadkan ah muwaadiniinta ahna waxaan leeyahay iska dhexqabta intay kalaankiina tahay .

 

 QALINKII  WARIYE XUSEEN SIYAAD CILMI

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS