WAJAALE NEWS

MAXAA KA SI AH DADWEYNAHA REER GABILAY; qalinkii,A. E.Abdilaahi

GABILEY (Wajaalenews)Mawduucan  aan qalinka u qaatay waxa uu iftiiminayaa ama daboolka ka qaadayaa caqabadaha dhaqan dhaqaale ama horumarineed ee  ku gadaaman dadwaynaha ku dhaqan guud ahaan Gobolka Gabilay gaar ahaan Degmada Gabilay.

     Sida aynu wada ogsoonahay Golayaasha degaanada degmooyinku waxa ay u abuuran yihiin ama u idman yihiin maaha arrimo siyaasadeed  ee waa wax ka qabashada adeegyada bulshada (Social services )iyo horumarinta degmooyinka ay ka soo jeedaan (District development). Haddaba, haddii  uu arrinku sidaas yahay waxaan halkan ku soo bandhigayaa hawlaha iyo waajibaadka saaran Golaha Degaanka Gabilay iyo mid walba sida ay wax uga qabteen kuwaas oo kala ah: 

  1. Nadaafada (Sanitation): Rasuulkeenii suubanaa (SCW) waxa uu inoo sheegay inay nadaafadu tahay qayb iimaanka ka mid ah. Sidoo kale meelaha bulshada laga qiimeeyana waxyaabaha ugu horeeya waxa ka mid ah sida ay nadaafadeeda wax uga qabatay. Haddaba, muddadii uu golaha degaanka Gabilay xilka hayay waxa Dawlada hoose ee degmada Gabilay ka hawlgala ugu yaraan 4 afar iska rogo kuwaas oo loogu talo-galay inay qashinka magaalada ka guraan una geeyaan goobaha loogu talogalay in lagu gubo. Iyada oo ay sidaas tahay halkii uu qashinku ka yaraan lahaa waxaad arkaysaa meelo badan oo magaalada ka mid ah oo qashin buux dhaafiyay.inta badan waxyaabaha aad aadka ula yaabayso waxa ka mid ah goobihii caafimaadka sida dhakhtarka guud ee degmada Gabilay oo hortiisu ay noqotay meel qashin qub ah. Laakiin aan maamulka hadda jooga aan u muuqan. 
  2. Bilicda/Ifinta Magaalada: Sidoo kale  muddadii uu golahani joogay wax haba yaraatee ay ka qabteen ifinta magaalada sida security lights-ka wadooyinka lagu sameeyo ah ma ay samayn. Iyada oo ay shirkadaha laydhka magaalada galiyaa qaarkood  ay diyaar u yihiin inay bixiyaan security lights wadooyinka lagu shido, balse  aan ka hayn maamulka dawlada hoose inay keenaan khashaafadihii wadooyinka la sudhi lahaa.
  3. Ammaanka /Nabadgalyada: Iyada oo ay nabadgalyadu tahay shay cid waliba u baahan yahay oo aanay la’aanteed noloshu suurtoobayn, ayaa muddadii uu golaha degaanka degmada Gabilay jiray waxa soo noqnoqday dhalinyaro koox koox isu weeraraysa una dagaalamaya lana baxday magacyo dhawr ah oo kala ah HURGUF, RAFAC,UGAADHA iyo qaar kale oo badan  taasi oo aan ilaa hadda xal loo helin. Sidaa darteed, Maayarka degmada Gabiley oo ah masuulka ugu sareeya inuu wax  ka qabto arrimaha ay nabadgalyadu u horayso ayaa ilaa hadda aan wax haba yaraatee uu ka qabtay aanay jirin. Sidoo kale waxa ay qaybo badan oo bulshada ka mid ahi aaminsan yihiin inuu isagu soo abaabulo dhalinyar fara badan soona maalgaliyo si ay rabshad u sameeyaan. Tusaale waxaa taasi ugu filan in maalin dhawayd oo Xisbiga WADANI booqasho ku yimid magaalada Gabiley uu Maayor Shucayb soo abaabulay koox dhalinyaro ah soona maalgaliyay si ay rabshad iyo taayiro ugu shidaan Xisbiga WADANI taasi oo sababtay in ay iska horyimaadaan kooxdii dhalinyarada ahayd ee rabshada waday iyo askartii booliiska degmada Gabilay taasi oo ugu danbayntii sababtay in gacan la saaro dhaawacyana la soo gaadhsiiyo Taliye ku xigeenkii saldhiga Gabilay Mr Absir Haaruun oo goobtaas yimi si uu rabshada u joojiyo.

Ficilada aad ka loola yaabay waxa ay ahayd in Maayor Shucayb uu isku dayo xalkasta oo dhalinyartii rabshada waday ee la xidhay loo soo  daayo taasi oo uu aakhirkii ku guulaystay laguna dhameeyay in lagu xaliyo qaab xaalmastuura.

 Dhacdadan waxa ka horeeysay in uu Maayir Shucayb dhalinyar aan waxba samayn uu ku eedeeyay inay ficilo amni darro ah ay kula Kaceen hay’ada fulinaysa mashruuca JPLG-ga xabsigana ay ugu jireen sharci darro muddo todoba cisho ah xoriyadoodiina loo soo celiyay markii danbi lagu waayay.

 

                      Sidaa darteed, Waxyaabaha kale ee dadweynaha reer Gabilay ku ceebta ah ee inay wax iska waydiiyaan tahay waxa ka mid ah Ma Gabilay oo kaliya ayaa noqotay meesha kaliya ee loo diido inay Xisbiyada Mucaaradku Yimaadaan? Miyaanay Burco tagin, Berbera tagin sidoo kale Borama tagin oo aanay cid hor joogsataa jirin …………………………………………………………………….

Waxyaabaha Kale ee ay dadweynaha reer Gabilay inay is waydiiyaan tahay halkee ayay ku danbaysay Xisaab xidhkii miisaaniyadii sanadkii tagay ee 2013 ee aan wali la idiin soo bandhigin wixii la qabtay iyo wixii aan la qabanba. Meedayse, Miisaaniyadii sanadka cusub ee 2014 ee durba labada bilood dhamaadeen.

 

WA BILAAHI TAWFIIQ

Qalinkii: A. E.Abdilaahi  

Exit mobile version