|
|||||
WAJAALE NEWS
MAXAA KA SI AH DADWEYNAHA REER GABILAY; qalinkii,A. E.Abdilaahi
February 26, 2014 - Written by Editor:GABILEY (Wajaalenews)Mawduucan aan qalinka u qaatay waxa uu iftiiminayaa ama daboolka ka qaadayaa caqabadaha dhaqan dhaqaale ama horumarineed ee ku gadaaman dadwaynaha ku dhaqan guud ahaan Gobolka Gabilay gaar ahaan Degmada Gabilay.Sida aynu wada ogsoonahay Golayaasha degaanada degmooyinku waxa ay u abuuran yihiin ama u idman yihiin maaha arrimo siyaasadeed ee waa wax ka qabashada adeegyada bulshada (Social services )iyo horumarinta degmooyinka ay ka soo jeedaan (District development). Haddaba, haddii uu arrinku sidaas yahay waxaan halkan ku soo bandhigayaa hawlaha iyo waajibaadka saaran Golaha Degaanka Gabilay iyo mid walba sida ay wax uga qabteen kuwaas oo kala ah:
Ficilada aad ka loola yaabay waxa ay ahayd in Maayor Shucayb uu isku dayo xalkasta oo dhalinyartii rabshada waday ee la xidhay loo soo daayo taasi oo uu aakhirkii ku guulaystay laguna dhameeyay in lagu xaliyo qaab xaalmastuura. Dhacdadan waxa ka horeeysay in uu Maayir Shucayb dhalinyar aan waxba samayn uu ku eedeeyay inay ficilo amni darro ah ay kula Kaceen hay’ada fulinaysa mashruuca JPLG-ga xabsigana ay ugu jireen sharci darro muddo todoba cisho ah xoriyadoodiina loo soo celiyay markii danbi lagu waayay.
Sidaa darteed, Waxyaabaha kale ee dadweynaha reer Gabilay ku ceebta ah ee inay wax iska waydiiyaan tahay waxa ka mid ah Ma Gabilay oo kaliya ayaa noqotay meesha kaliya ee loo diido inay Xisbiyada Mucaaradku Yimaadaan? Miyaanay Burco tagin, Berbera tagin sidoo kale Borama tagin oo aanay cid hor joogsataa jirin ……………………………………………………………………. Waxyaabaha Kale ee ay dadweynaha reer Gabilay inay is waydiiyaan tahay halkee ayay ku danbaysay Xisaab xidhkii miisaaniyadii sanadkii tagay ee 2013 ee aan wali la idiin soo bandhigin wixii la qabtay iyo wixii aan la qabanba. Meedayse, Miisaaniyadii sanadka cusub ee 2014 ee durba labada bilood dhamaadeen.
WA BILAAHI TAWFIIQ Qalinkii: A. E.Abdilaahi COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|