Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Tacsi U Diray Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Awdal Oo Geeriyoday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Tacsi U Diray Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Awdal Oo Geeriyoday
February 1, 2014 - Written by Editor:

MADAXWEYNE KU XIGEEN

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici), waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Gudoomiyihii maxkamada racfaanka ee gobolka Awdal, Marxuum Axmed Cabdilaahi Bankaal Qaadi oo ku geeriyooday Magaalada Boorama 01/02/2014, laguna aasay.

Marxuumka oo door muhiima ka soo qaatay arrimaha garsoorka iyo cadaalada dalka Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku  Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bahda Garsoorka, Ehelkii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS