|
|||||
WAJAALE NEWS
Jilaa Somali Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Caalamiga Ah Ee BAFTA.
February 17, 2014 - Written by Editor:London(Wajaalenews)-Barkhad Cabdi oo ah wiil jilaa ah ayaa ku guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah ee lagu magacabo (BAFTA) oo ah abaal marin lagu qiimeeyo jilayaasha ugu fiicnaa sanadkasta tan oo kuu wiilkan somaliga ahi ku mutaystay filimka caanka noqday ee (Captain Phillips) filimkaasi oo ahaa mid laga matalay budhcad badeeda somalida,ee marakiibta afuuba,waxana uu ka guulaystay jilayaasha Michael Fassbender iyo Matt Damon,oo filimkaasi wax ka jilayey. Jilaa Barkhad ayaa isagu ka mahad celiyey in loo gartay sanadkan abaalmarintan caalamig ah ee BAFTA “in ay igu aamineen doorkan ka hor intii aanan anigaba isku kalsoonaan, Meel cidla ah ayaan wax ka bilownay hadana tan ayaan haynaa”. ayuu yidhi Mr Barkhad. Abaalmarinta BAFTA, waa abaalmarin ay sanadkasta bixiso dawladda Dalka Ingiriiska taasi oo ay sanadkasta ku abaalmariso jilayaasha iyo fanaaniinta ugu wanaagsan dunidda,waana abaalmarin heer Caalami ah,Barkhad wuxuu ahaa atooraha labaad ee filim-ka Captain Phillips oo uu jilayay jilaaga caanka ah ee Maraykanka Tom Hanks. Abaalmarinta waxaa gacanta u galiyay Barkhad Cabdi Emma Thompson, waxaa martigalinayay oo soo jeediyay weriyaha caanka ee BBC-da Stephan Fry WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com – Related posts:Wacdarihii Hargeisa iyo Habeenka Farxiya Fiska Iyo Heesihii Ugu Saameynta Badnaa Showgii Xalay. DAAWO;-Shirkada Gacanta Ku Haysa Dhismaha Dekeda Ciidan Ee Berbera Oo Beenisay In Uu Joogsaday Dhism... Maamulka Gabiley Iyo Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada Oo Fuliyay Wajigii Labaad Ee Ololaha Dhagxaan Ur... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|