|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudiyadii Labada Garab Ee Golaha Wakiilada Oo Ku Guul Daraystay Xal U Helida Khilaafkooda, Arrintiina Dib Ugu Celiyay Golaha Guurtida
February 15, 2014 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews) – Labada Garab ee wada hadalada xanaftii Golaha Wakiiladu ka dhalatay uga socday Hargeysa ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ay ku guul daraysteen sidii ay xal ugu heli lahaayeen Khilaafkooda. Guddiyadan oo wakiilo ka ahaa garabyadii uu khilaafku ku dhex maray Golaha Wakiilada ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in wada hadaladii u socday ay isku mari waayeen isla markaana dib arrintii ay ugu celin doonaan Golaha Guurtida Somaliland. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo uu hadlayay garabka ay wada jirka u hogaaminayaan Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada iyo ku xigeenka Labaad, ayaa sheegay in aana wax natiijo ahi ka soo bixin wada hadaladii u socday.“Wada hadaladan oo noo socday 13-kii Bisha iyo 15-kii oo maanta ah, waxa fadhiyay labadii dhinac ee golaha ka kala socday ee arrintan ku muransanaa, afartaa cisho waxa aanu ku jirnay mawaadiicdii ay doodu ka dhalatay, marka hore waxa aanu ku heshiinay ajandaha, doodiisii waanu dhamaynay, maanta waxa aanu isugu nimid gabogabadii oo la soo gabogabeeyo doodihii, nasiib darro waanu gaadhi kari waynay qaraar, murankii isaga ahaa ee ay doodu ka dhalatay waanu goyn kari waynay, anaga oo markii hore isku qancinay in aanu guurtida ka dul qaadno anaguna aanu xal kama dambays ah gaadhno, runtii waanu gaadhi kari waynay, xalku waxa uu noqday in aanu guurtida u yeedhno oo aanu dhiibno oo aanu nidhaahdno halkaas ayay nala martay, hadii aanu markii hore nidhi waanu idin furanaynaa iminkana aanu nidhaahdno waanu idinka maarmi waynay” ayuu yidhi. Dhinaca kale Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isna ka mid ahaa garabka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), kuna jira gudida wada hadalka uu bilawday ayaa sidoo kale xusay in aanay wax go’aan ah isla gaadhin, waxaanu yidhi “Waxa ay muuqatay in aanu riixi kari waynay, haddii aanu riixi kari waynayna waxa ay nala noqotay in aanu odoyadii marka hore talada ka qaatay golaha aanu u dhiibno oo aanu nidhaahno waar odayaal riixi kari waynay ee halkii ka sii wada, taladuna halkaas ayay maraysaa, Golaha Guurtiduna waa niman dalka wax badan ka soo qabtay. Waa hay’ad dastuuri ah oo u qaabilsan hay’adaha dawladu marka ay is qabtaan in ay dhexdhexaadiso” ayuu yidhi. Guddiyadan oo marka hore Golaha Guurtida kala wareegay in ay dhexdhexaadinta, kuna qanacsanaa in ay iyagu gaar u wada hadlaan ayaa ku adkaysanaya in ay is mari waayeen WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:DAAWO; Wasiirka Caafimaadka Xaglo Toosiye oo Xadhiga ka jaray Qalab Cusub oo Lagu Kordhiyey Cisbitaa... Halkan Ka Daawo- Wasiirkii Hore Maaliyada C/Casiis Samaale Iyo Xassan Gadhweyn oo Tilmaamy Sifooyink... Mulkiilaha Facebook Oo Laga Dalbaday Inuu Mamnuuco Baahinta Aflagaadooyinka Ka Dhanka Ah Diinta Isla... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|