Dawladda Iran Oo Ku Hanjabtay In Ay Ciidankeedu Gudaha U Gali Doonan Wadanka Pakistan,Haddii Anay Pakistan Ka Hawl-galin Sii Daynta Ciidan Iraniyiin Ah Oo Afduub Pakistan Loogu Haysto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Iran Oo Ku Hanjabtay In Ay Ciidankeedu Gudaha U Gali Doonan Wadanka Pakistan,Haddii Anay Pakistan Ka Hawl-galin Sii Daynta Ciidan Iraniyiin Ah Oo Afduub Pakistan Loogu Haysto.
February 18, 2014 - Written by Wariye:

tahraanTehran(Wajaale News):-Dawladda Dalka Iran ayaa ku hanjabtay in ay ciidan keeda  galin doonto Gudaha dalka la dariska ah ee Pakistan haddii la sii dayn waayo shan askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada xuduuddaha ee dalkaas oo muddo toban maalmood ah afduub loogu haysto Gudaha  Pakistan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Iran Abdolreza Raxmani-Fazil ayaa ka codsaday Pakistan inay qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah isla markaana ay ka hawl gasho sidii loo soo dayn lahaa askarteeda lagu haysto Gudaha dalka pakistaan.

Aduubka ciidankan reer Iran waxa sheegtay  in ay afduubteen Koox Sunni ah oo lagu magacaabo Jaysh al-Cadla kuwaasi oo soo bandhigay sawir muujinaya muuqaalka Askarta afduuban,muuuqaalka ay dablayda wax afduubtay soo dirtay ayaa waxa laga baahiyey Telefishanka Al-carabiya waxana laga soo xigtay mid ka mid ah askartaasi oo leh waan caafimaad qabna,kooxdan wax afduubtay waxa ay dalbadeen in la sii daayo ilaa 30 maxbuus oo ku jira jeelasha dalalka Iran iyo Suuriya.

Wasiirka ayaa intaasi ku sii daray in anay dawladda Iran sii dul qaadan karin isla markaana ay dalkeeda ka difaacayso wax kasta oo dibedda kaga yimaada waxana uu ku nuux nuuxsaday in haddii Pakistan jawaab deg deg ah bixin waydo ay ciidankoodu gali doonan gudaha Pakistan oo ay adeegsan doonan hawada iyo dhul dalkaasi ayuu yidhi,gaar ahaan Gobolka Baluchistan oo ah goob uu iska horimaad ku dhexmaro ciidammada Iran iyo fallaago Sunniyiin ah oo ka soo horjeeda dowladdasi.

si kastaba ha ahaatee waa waxa laga war sugayaa jawaabta ay ka bixiso dawladda Pakistan hadalkan kaga yimid dawladda Jaarkeeda ee Iran.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS