WAJAALE NEWS

Baaq ku Socda Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Xukuumadiisa

Waa Baaq kasoo baxay qeybaha bulshada reer burco oo ay Madaxweyne siilaanyo ugu sheegayaan inuu ka fiirsado  ragga waraaqaha kula wareegaaya madaxtooyada. 
 
Anagoo ah Waxgaradka,Salaadiinta,Cuqaasha,Siyaasiyiinta,Aqoonyahanka Dhalinyarada Haweenka Haldoorka qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka togdheer, waxaan halkan Mudane Madaxweyne  kaaga soo gudbinaynaa codsi iyo  baaq ku wajahan  Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle, Mudane Madaxweyne anagoo ah qeybahaa kor ku xusan waxaanu  cod dheer kuugu  sheegaynaa in Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer Mudane Ubaxle uu yahay nin masuula kasoo baxay Xilkii aad usoo igmatay ee Dawlada, waxaan qirsanahay  sida sharafta Karaamada Xilkasnimada leh ee uu ugu shaqeeyo Bulshada Walaalaha ah ee Togdheer.

Mudane Madaxweyne waxaan si mud iyo miisaan culus ku dheehan tahay  markale kuugu sheeganayaa Gudoomiye ku xineenka Gobolka Togdheer yahay  halyey qaran waa ninka maanta isku haya bulshada reer burco balse madaxweyne lama waayo dad neceb wanaaga iyo samaha waxaa jira dad ka xun  Gudoomiye ubaxle sifihiisa wanaagasan  doonaa inuu noqdo sida iyaga oo kale lagu shaanbadeeyo cuduarada halistaa ee qabyaalada iyo kala soocda umadda soo jireenka ah ee reer burco, Waxaanu ognahay oo xogagaal u nahay kana makhraati kacaynaa intayadaas oo dhami in ninkaas yahay masuul kasoo baxay xilkiisii, waxaanu kuugu daraynaa Mudane Madaxweyne inaanad dhegaysan dadka xume jaceylkaa iyo warxumo tashiilkaa ee heeganka ugu jira xag xagashada iyo hafarka masuulkaasi qaaliga ah Waa Gudoomiye ku xigeenkii ugu horeeyey ee soo mara Gobolka si simana ugu shaqeeya Bulshada dadkana Runta u sheega.

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer waa keliya ee maanta ka dhiidhiya dir kala sooca reer burco waa ninka   dagaalka kula jira dadka xumaan wadayaasha ah waa masuulka waajibaadkiisa u guta si ay ku dheehan tahay hufnaan iyo aqoon dheer, waa Aqoonyahan indheer garada waa nin wax ka arka meel dheer waa masuul jecel Nabada Horumarka iyo wada noolaanshaha Bulshada  waa nin runta u sheega cida saxa u taqaan khaladka waa geesi aan la gaban  guulaha Xukuumada, waa nin aanay agtiisa iman karin kuwa hadalada meelahaas wa wareega waxna u xanta sida haweenka.

Mudane Madaxweyne adoo ah Madaxweynihii qarankan Maamuuskii ugu sareeyey  Dalka Waxaanu kaa codsanaynaa si wada jira kaaga codsanaynaa  kuugu baaqaynaa cod dheer iyo mid gaabanba in Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle uu yahay nin aanu aad u jecelnahay anagoo jeclayn markii aad Digreetada ku kala wareejisay Badhasaabyada Dalka inaad  Badhasaab nooga soo dhigto Ubaxle hadana qadarka alle lama baajin karo  Masuulkaas waa nin aanu aad u jecelnahay waa nin aanu u hayno karaamo weyn waa nin aanan ka maari karin , Waxaan kaa Codsanaynaa inaanad maqlin kuwa sida warxumada ee la ordaaya beenta iyo balaadayada oo iyagu ah kuwa fidmada ka wada burco una baahan in sharciga la mariyo.

Haldoorka Gobolka Togdheer

Exit mobile version