Waxaynu joognaa xili Afkeenii Hooyo noqday wax laga faano
· Waxaynu joognaa xili qofku beyr ka yeeshay inuu afka Hooyo si badhax tiran ugu hadlo
· Waxaynu xili qofku hadaanu odhaahdiisa ku xardhin ereyo qalaad uu dareemayo nuqsaan
· Waxaynu joognaa xili hormuudka bulshadu ku faanaan in aaney afka Hooyo ku qeexi Karin ujeedadooda.
· Waxaynu joognaa xili da’yarti u fahantey ama loo fahamsiiyey in afkooda hooyo yahay wax ay ku hadlaan dadka aan aqoonta ku xeeldheereyni.
· Hadii hadaba afkeenii ayaan daradaasi lasoo daristey, miyaaney habooneyn in aynu isweydiino qiimaha uu lahaa?
· Ma mudan yahay in aynu badbaadino?
· Ma bedelan karaa, oo ma heli karaa af inoo buuxiya kaalinta nolosheena kaga jirey?
· Afkase aynu ku bedelanaa ma buuxin karayaa kaalintiisii?
Si hadaba aynu jawaabo waafi ah ugu helo su’aalahan bal aan dhugano Maansadan oo tilmaamo kooban ka bixin doonta waxa afka hooyo u taagan yahay.
AFKA-HOOYO (M.Shukri)
1. SIDA RUNA SIDAAN QABO
2. SIDA MARAG MA DOONTO AH
3. SIDA AANU MURAN IYO
4. SARIF KALE BANAANEYN
5. AFKA HOOYO WAA SUMAD
6. SIFO WEEYE JIRITAAN
7. IYO SEESKA GOBANIMO,
8. SOGORDAHA ABWAANKIYO
9. SODOH XEERINTEEDIYO
10. SITAAC IYO HUMAAGEYN
11. SEEMAN IYO XISHOOD IYO
12. SAWA HADALKA UGUBKIYO
13. SARIDIYO DULMARID GUUD
14. SINGALAYDH U GELINTIYO
15. SALUUGIYO MASHIIKHSIGA
16. SAAF KA CAAGANEYNTIYO
17. SABABTIYO UJEEDADA
18. SANGAAB URURINTIISIYO
19. SUUREYNTA DULUCDIYO
20. SURUC FURIDA BAANAHA
21. SIDA LOO BANDHIGO DOOD.
22. MARNA WAA SILSILAD DHAQAN
23. SAYLICI WILWILO IYO
24. SANAAG CEERIGAABIGA
25. SUULALAWGA JAANDHEER
26. SAGSAGTIYO ROGROGIDIYO
27. SAQAF JAGACDA QOOBKIYI
28. SACAB DANAB LA MOODIYO
29. SAF U TAAGAN JIIBTIYO
30. SOORAAN COD BAXANOO
31. SUUGEYNTA MADASHIYO
32. SAQAROOR KA REENKIYO
33. SAWD KU LAAQAN JAANTIYO
34. SALKINAAYA MIDHAHOO
35. SUREER GELINTA DHAAYAHA
36. SAXAL BIXINTA DOOKHIYO
37. SAAR KU JABINTA DHAANTADA
38. SAYN MADOOBE DAAYOO
39. NIN SAGAASHAN JOOGIYO
40. SOO KACAY WADAADKII,
41. SAMAW AABE HANADOOW
42. SAWAABKIYO XAQIIQDAAD
43. SOOMAALI KUBA TAHAY,
44. HADAAN SAAXIR KAA DIDIN
45. KUGU SABIN MID BEENIYO
46. SAMAYS AAN HIGAAD IYO
47. SURIN LOO ABRAACIYO
48. SIDAN XEER U DHALASHO AH,
49. SUUQA DOQON MA GARATADA
50. LAGA SOO MIDH TOOCSADAY
51. SUUF ALOOL GURAANGURA,
52. WAA BAADI SOOC IYO
53. SAWRAC LAGU AQOONSADO
54. BULSHO SOONAHEEDIYO
55. SINJI HIRASHO IYO XIDID
56. SAL AROORKA CUGASHADA
57. SO’DA AY U KUDAN TAHAY.
58. MARNA WAA SAREEDIYO
59. RAXMAD SAAFI CURATIYO
60. SEBEN AAD BARWAAQO AH
61. CAWO LAGA SAL BUUXSADEY
62. SULUB CAANAHEED IYO
63. SIXIN DEYLO LAGA LULAY
64. SARAR IYO LEG IYO BADHI,
65. SOO HAADKA UDUGIYO
66. HOOBAAN SAGAAL MIDAB
67. BADHBA SUUDH GASHADAYOO
68. SARAJOOG KU DAAQ IYO
69. NIN SIBRAAR KA DHAANSADEY
70. SIDEE WEEYE XIDHANTAHAY,
71. SOORYO WADARI LEEDOO
72. IYADOON SULDAAN IYO
73. SIKHI QUUDHIDIIS IYO
74. SAYID LOO MARTI AHAYN,
75. NIN SAKAARO LEGEDIYO
76. SARYAN NIMAANU FULINEYN
77. NINKASTAA SEDKIISIYO
78. SAA’ID UU KA BOGAN KARO.
79. MARNA WAA SARGOYN IYO
80. SAHAN IYO QORSHAYNOO
81. BULSHO SAASAHEEDIYO
82. SAXA HIMILADEEDIYO
83. SIDA AY U LULATIYO
84. SOOYAALKA HODANKA AH
85. LAGA SOO MINGUURSHOO
86. SOO JIREEN XIDIGIS IYO
87. SAAHID AAD U XEELDHEER
88. SUD YAQAAN KA FAASHOO
89. SAXARIIRKA WAAYAHA
90. IYO SUUDHA JIILAAL
91. SAADAMBIYO WAX DHICI KARA
92. SARIIG LAGU KANTAAYOO
93. SABA BIXINTA MAATIDA
94. SUUF IYO XANJIYO KAYD
95. SAHAY LOOGU QOOLAA.
96. MARNA WAA SARAAYAHA
97. SULUFKIYO COLAADAHA
98. SOO YEEDHKA DHIILADA
99. SAHWIGIYO MA FILASHADA
100. SUBAX BEESHU NABAD TAHAY
101. ADIGOO SOCDAAL DHAW
102. SOO BARIIDIN GACAL IYO
103. SAAXIIB U TEGEYOO
104. SAACADO KU LAALAA,
105. SABADIYO RUGTAADII
106. SIBIQ CADAW KU YIMIYOO
107. SOOF IYO NAF IYO MAAL
108. SAAKUMAY DHAMAANTOOD,
109. SAALAX WEETADIISYO
110. MISNA SAYMUHUU DHIGAY
111. SOO RAACSHAY GABAYOO
112. SAHAL YAA LAHAAYEEEY
113. SOO JIITAY MAQALKII,
114. SARAKACA NIN WEYRAXAY
115. SI AAN QABANNA LAGU FALAY
116. SAKAL FURASHADIISIYO
117. SENGE HALABSIGIISIYO
118. SUNNE FIIQIDIISIYO
119. SOGSOGTIYO CADAADIYO
120. SARIMAYSO QODAXDUYE
121. SAAMEEL U ORODKIYO
122. SADHINTIYO TILMAAMAHA
123. WUXUU SUUDI HUBIYOO
124. SAALADA BURBURIYOO
125. HADBA SUGUN KA QOORSADO,
126. SAGAL BAXA AROORTII
127. SAWSAWGA ARAGTIDA
128. MARKA SOGOB NIN LAGA XULO
129. SARBANAAN KA HALACSADEY
130. SIDIGTIISII LAALEYS
131. IYO SUDHAY DILAALKII
132. SIDI QABAX DABKA U SHIDEY,
133. FULAA SAANTU DEBECDAA
134. SALBABAKHA BARIIQDOO
135. SAYLAAMA GELINOO
136. SOLO MADAXA GELIYEE,
137. SIDA LEEB INTUU TOOS
138. U ABAARO SADHADIYO
139. SUQBULKII SHIDADA DHIGAY,
140. SALWAWAHA TIRAW KULUL
141. SUBCIS XAADA KICIYIYO
142. SAAQA DAALALEYDIYO
143. SIINLEEY MAR FURASHO AH
144. KU SALAAMA KEDISADA,
145. SURMA SEEGTO MAGANOO
146. SAAYIRAADI DHIMATAYE
147. SEERAARKA FADALKIYO
148. SOOYAANKA QALABKIYO
149. SUUBAAN IS ROGIDIYO
150. SIIGO AAGA XIDHATIYO
151. SAWAWAXA NIN HOOTIYO
152. SUMUC HEEREY BOQONTOO
153. SUXUL KAABSI MOOYEE
154. SOCOD IYO DURDURO GABAY
155. SAAMAXAADNA FILAHAYN,
156. SOOL KU JOOGA FARAS IYO
157. SOONA AADAN YAHAY MAWD,
158. SIBIRO DHIIGLE KIBIR IYO
159. SOO KORODHSO GEELBAA
160. SALIILYADA ILKAA IYO
161. SAMBAB HABAYA KEENOO
162. DHEESHU LABA MA SOORTEE,
163. SAABIR LABA ROGGIISIYO
164. SUGIDDIISA NABARKIYO
165. SIN TUMAATIGIISIYO
166. SAABLEY KA HUGUNKIYO
167. SAHAL FURASHADEEDIYO
168. SUBAX HOREBA GUUSHUU
169. SUNTADUU LA DHEELMADO,
170. ADUUMBAA SALUUGOO
171. SIXI WAAYEY MOOYEE,
172. DHALINYARADA SAAKIYO
173. AFKA HOOYO SACADAW,
174. RAG HADUU KU SAHASHADO
175. QAYRKAA SED KAA WADO,
176. SAMAY WARAN KU JOOGOO
177. SOOBIR XOOGLI GANAYOO
178. SAARUUKH LA MOODIYO
179. SINKALAAB CAGFUDUDOO
180. NIN SAMAYSTEY GANAFKIYO
181. SARAW TAAGO MADAXOO
182. SEERIHIISA LAGA BAQO
183. SAANAD WEEYE YAAB BADAN.
184. SANKAA KUU DALOOLIYO
185. SUTI IYO ANAA IDHI
186. SAMAC KUMA MAGAABOO
187. SAXU KUMA BILQADO OO
188. SI KALAAY U TARANTAA,
189. MARNA WAA SABAALAYN
190. SULUX IYO WALAALAYN
191. SINNAAN IYO IS KAALMEYN
192. SAMATALIS WARKIIYOO,
193. SABEEN JIRATO EHEL IYO
194. ZAAD WADAAG INEY TOO
195. SALI QUDHA KU HURUDOO
196. SABUULKIYO XASIIDUNA
197. SAXAN UUGU JIRO QUDHA,
198. SIKO IYO HAYAAMEYN
199. SULDAAR KA DEBED YAHAY,
200. ISASUDHAN XIGTO AHOO
201. SEEDINIMO U DHEER TAHAY,
202. LAGU SUGO AMAANKOO
203. SAKATIGA NIN BAYRLOO
204. SANQADH IYO DURBAAN IYO
205. SALAL IYO INKAAR IYO
206. SEENYAAL U BAXAYOO
207. SAHAYOO TIGTIGANOO
208. SEEF IYO BILAAWIYO
209. SITA AALAD XOOGLAA
210. SADAR LAGU DAWEEYAA.
211. MARNA WAA SIR CULUSOO
212. SABI LAGU BARBAARSHOO
213. SAATIR LOOGU MAHADSHOO
214. KU SARBEEBAN CAANAHA
215. SAQDA DHEXE HABEENKOO
216. SADEX LABA U DHEELMADEY
217. SUUBAN LAGA JAQAAYOO,
218. WERSHAD AAN SALGUUREYN
219. SALIID IYO U BAAHNEYN
220. SIRAAD LAGU AGAASIMO
221. SOO SAARIDEEDUNA
222. SAACAD QUDHA HABSAAMEYN
223. WAXA SAARAN DUNIDIYO
224. SUNUUD IYO FIDIYO DAHAB
225. HADII LAYSU SOO GURO
226. SAXAR WUXUU KA QAADIYO
227. CC (SII SII) QOF LAGU MUDO
228. SINA AAN U GOYNEYN,
229. SANCO AADMI GARAN KARO
230. KA SALWEYN DAREENKIYO
231. SAAMAYNTA RUUXOO
232. SUUGAANTA HOOYIYO
233. SALSALAAXI DEEDIYO
234. SABARKIYO DHABTEEDUUN
235. SED KU GAARA WEEYAAN.
Maxamed Shukri