|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Todobaadka Soo Socda Ay Furmi Doonan Wada hadaladii Somaliland Iyo Somaliya.
January 3, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(wajaalenews)Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ay dalka Turkiga ka furmi doonaan todobaadka fooda inagu soo haya. Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u warramayay warbaahinta afka dawladda ku hadasha, waxaanu yidhi “Shirkii Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay ka dhacayaan Turkiga, waxaanu ka qabsoomi doonaa saddex cisho ka dib, weftigii Somaliland uga qeyb galayay waxaanu Somaliland ka baxaynaa Axadda soo socota. Markaa wararkan la isla dhex marayo ee aanay waxba ka jirin dadku inay rumaystaan ma aha.” “Wada hadallo burburayna ma jiraan, wada hadaladu way socdaan waanan ka shaqaynaynaa,”ayuu intaas raaciy Wasiir Maxamed Biixi. Wasiirku waxa uu ka jawaabay eedo ka soo yeedhay murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID oo ku tilmaamay siyaasadda dibadda Somaliland mid fashilan, waxaanu yidhi “Wasaaradayda waxa la yidhaahdaa wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, waxaan ahay albaabkii innaga (Somaliland) iyo ajanabiga u dhaxeeyay. Waa inaan soo dhaweeyo oo aan dad mashaariic wada dalka keeno oo aan ku xidho wasaaradii ay kolba hawsha laga hadlayaa ay khusayso.” WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE contact;wajalenews@gmail.com Related posts:War-saxaafadeed:Gudida Beelweynta Habaryoonis ee Talo iyo Tawfiiq oo fariimo culculus iyo digniino u... DAAWO;-Suldaan Luuqad Adag Kula Hadlay Madax-dhaqameed Reer Somaliland Ah Oo Uhanqal Taagay Somaliya... Shaqaale Ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Maxkamada Jigjiga Usoo Celisay Xoriyadoodii COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|