WAJAALE NEWS

XALKA SHAQO LA’AANTA EE DA’YARTA

Hadaba sida ay ila tahay xalka dhinaca shaqalaanta ee dhalinyarada guud ahaan iyo si gaara kuwa Somaliland waxaan u arkaa sidan:

Marka la doonayo in dhibjirta xal loo helo waa in marka ugu horeysa si qoto dheer loo darsaa arimaha sababta u ah dhibaatadaasi.

Dabadeed la darsaa waxa laga qabankaro, iyo sida ama qaabka wax looga qabanayo.Dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo, aqoontooduna waa hooseysa, dhibta ugu weyn maa aha dhaqaalo xumo ama dhaqaale la,aan ee mushaakilku waa ka balaadhan yahay oo wuxuu salka ku hayaa ,aqoonta,qorsheynta,maamulwanaaga,iyo daacadnimo.kuwaas iyo kuwo ay xidhiidhtoosa ka dhexeysto ayey sababsadaan xal la’aanta dhibato jirta.

ugu horeyn marka si cimi ah loo darso dhibaato jirta iyo tan imankarta ayaa la helaa xal cimiyeed ku haboon ama in uu wax katari kara dhibaatooyinka jira.

Hadaba sida ay ila tahay xalka dhinaca shaqalaanta ee dhalinyarada guud ahaan iyo si gaara kuwa Somaliland waxaan u

arkaa sidan:

1-Qorshe Qaran

Waa in uu jiraa qorshe qaran oo kuwajahan shaqo abuurka dayarta kaas oo u habeysan si cilmi ah oo darasadeesan oo aan ahayn hadalo la qurxiyey oo warqad ku qoran oo la akhriyo maalma munaasibadaha iyo warbixinada wax qabadka lagu faano.

a) Qorshahaas waxaa loo qabinayaa mid wakhtiga dhow ah iyo mid waxtiga fog

b) Qorshuhu waa  inuu ahaadaa mid shaqo abuuris ah oo leh xirfadaha qofku shaqo kaga heli karo dalka taas oo ay weheliso tababarada xifadaha kala duwan.

c) Waa iney ka muuqataa siyasada guud ee dawlada shaqa abuurka iyo hawlgelinta dhalinyarada.

hadii aan intaas kaga baxo dhica qorshe qaran waxaan bal  egi dhinaca kale oo ah kaalinta

2- Diyaar garawga iyo qoshaha dhalinyarta.

Dawladu keligeed mawada shaqaaleynkarto dhamaan dhalinyarada faraha badan ee Jamicadaha iyo dugsiyada sare ka soo baxa in kasta oo xil kasaaran yahay shaqo abuurka muwaadiniinta hadana marka laga eego dhinaca awooda dhaqaale ee dawlad aan aqoonsi haysan cadaw badan oo gudaha iyo dibedba leh waad garan kartaa kaalinteeda shaqo abuur,balse waa iney dadaal muujisaa dhinaca shaqo abuurka.Qofkasta oo shaqo doonayaa waa inuu isagu la yimaadaa qorshiisa shaqo abuur oo uu isagu sameystaa qorshe cad oo shaqo abuur.Hadii aad Jamicad ka soo baxdey maa aha jaamicadbaan ka soo baxay oo waa inaan xafiis fadhistaa oo taas uun shaqo u arkaa.Taasi ma aha xal mana aha arakti aqoon yahan base waa fikir caajisnimo iyo doqonimo,isla weyni. Waa inaad u halgashaa sidii aad uga qayb gelilahay fursad kasta oo shaqo oo kuu banana.Sida

a) Dhisida ganacsi kuu gaara

b) in aad saami ku yeelato ganacsiyada jira

c)la socodka fursadaha shaqo ee soo baxa ee dawlada iyo hayadaha madaxa banana,kuwa caaliga ah.

d) Waa inaad diyaarsataa dhamaan wax kasta oo aad ku kasban karo shaqooyinka loo tartamo sida, CVgaga, cover letter etc.

3- Dhinaca ku dhiirigelinta helida shaqo ee waalidiinta iyo bulshadaba.

Tani waxay muhiim u tahay in dadalka dhalintu uu aad u xogeysto,oo uu helo qofka yare taageero buxda.waa in dhalinyaradu isku kaalmeeyaan shaqo helida taas oo noqon karta hadii midi shaqo hayad ama shirkad kahelo uu saaxiibkiina uga raadiyo in uu hadii uu la kulmo baahi shaqo ka banana hayadaas ama shirkadaasi.

4) Xag soorka

Xadaaladu waa aasaaska bulsho ee horumarka waa in mar walba Dawlada iyo hayadaha ama loo shaqeeyayaashu da yarta sisiman ugu cadaalad falaan marka ay timaato ku wada tartanka jago banana oo shaqo ,waa in la ilaaliyaa u dhex ahaanta tartamayaasha oo qofka kuguuleystaa nodaa mid ugu guuleystey si cadaalad ah.

5) Shuruucda shaqa doonka

Waa muhiim in dawladu u dajiso dalka sharciga shaqadoonka iyo hayada u qaabilsan dhica shaqada iyo shaqaalaha.

way jirtaa sharcigu iyo hayaduba baan filayaa Somali land, laakiin waa muhiim in ay tahay hayad shaqadeeda awood buuxda u leh.

Arimahan iyo kuwo badan oo kale waxay ila tahay iney hal u noqon karaan yareynta shaqo la’aanta dhalinteena.

MAHADSANIDIN

M J Farah

political analyst

Exit mobile version