|
|||||
WAJAALE NEWS
Warsaxaafadeed Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka uu u hayo Hay’adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaa uu si kulul u cambaareynayaa faro-gelinta qaawan ee Ururka {Somaliland Non-State Actors Forum}
January 27, 2014 - Written by Editor:WarsaxaafadeedHARGEISA WAJAALENEWS Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka uu u hayo Hay’adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaa uu si kulul u cambaareynayaa faro-gelinta qaawan ee Ururka la baxay Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee ka hawl-gala Dalalka aan dawladaha lahayn{Somaliland Non-State Actors Forum} uu ku samaynayo Xoriyada iyo xuquuqda uu u damaanad qaaday Dastuurka Qaranku Warbaahinta. Sidaa darteed Ururka SONSAF isagoo u adeegaya shakhsiyaad caan ku ah qalalaasaha iyo qulub-gelinta Saxaafada Somaliland, kuwaasoo shaqo maalmeed ka dhigta iska horkeenka iyo isku dhufashada Saxaafada Maxaliga ah, iyagoo ka dhex raadinaya derajooyin ama dhaqaale lagu siiyo, Ururka SONSAF waxa uu Saxaafada Somaliland ugu baaqay shir qarsoodi ah, kaasoo ay ku damacsan yihiin inay ku aasaan madax-banaanida Saxaafada Somaliland iyo xoriyada hadalka,iyagoo food saaro ka dhiganaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Warbaahinta Maxaliga ah iyo Hay’adaha Dawlada (Xukuumada,GoleyaashaSharci Dejinta iyo Garsoorka). Hase-yeeshee kulankaas ulajeedadiisu tahay in lagu abuuro Xeer Saxafadeed cusub oo lagu cabudhinayo Madax-banaanida Saxaafada Somaliland iyo Xoriyada ra’yi dhiibashada ee bulshada, balse suurtogalnimadiisa lagu qurxiyay ajendihiisa waxyaabo aan jirin oo lagu sheegay Is waraysi, Wadahadal Iyo Lafo-gur lala yeelanayo Saxaafada. Ururka SONSAF oo sida magaciisa ku cad ah ka mid ah Ururada dalalka reer galbeedku u abuuraan inay danahooda uga fuliyaan Wadamada aanay Dawladi ka jirin, sida; Koonfurta Soomaaliya, Afgaanistaan, Ciraaq iyo Kosovo, waxa uu dhaqaale quusan waa ah xakamaynta Saxaafada kaga soo qaatay Hay’ada Safer World,oo iyaduna dhaqaaalahaa kasoo dheegatay Ururka Midawga Yurub (EU) Haddaba ururka SOLJA isagoo si cad u qeexaya aragtidiisa ku aadan Shirqoolkaas iyo mawqifka uu ka taagan yahayShirkaasi waxa uu yahay;.
ALLA MAHAD LEH Maxamed Cabdi Guuleed Gudoomiye Kuxigeenka SOLJA
Maxamed Rashiid Muxumed Farax Xoghayaha SOLJA
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|