WAJAALE NEWS

Si Xun Wax u sheeg Sixir ka Daran?

Maalin kasta oo ku soo martaa waxay kaaga tagtaa Xusuus iyo Taariikh gaar ah, Farxada iyo Murugo mid uun, Masuul kasta oo…..

Aduunyada nin nooloow Maxaa Argti kuu laaban, wakhti waliba waayihiis, Dhacdo waliba xusuusteed, Taariikh Waliba Hadhaageed, Dharaar waliba haynteed. Dariiq Xumina Hawshii, hadal waliba meeshii.

Maalin kasta oo ku soo martaa waxay kaaga tagtaa Xusuus iyo Taariikh gaar ah, Farxada iyo Murugo mid uun, Masuul kasta oo wax qabta Taariikhda ayaa Xusta, Masuul kasta oo Qaloocana taariikhdaa Xusta, Umadu waxay isku Afgartaan oo ay ku kala Socdaa Hadba wixii ay dhigtaan ee Sharci u ah, Dadka islaamka ahna Diintooda ayaa sharci u ah, Qof waliba waxa uu leeyahay Xaq, Wadankuna Xaq buu ku leeyahay.

Ma jirto Xeerka Umaddu dhigato Nin sharciga ka wayn, Waxay dhabarjab ku tahay Ka Xeerka uu sexeexay Haddana ka talaabsada isaga oo u kas u samaynaya, Masuul kastaa Mudanaantiisuu leeyahay, Qof walba Xilka uu hayo In lagu Qadariyo ayuu Mudan yahay, isaguna Waajibaadkiisa Shaqo inuu ka soo Baxo ayaa lagu leeyahay.

Waxaan Uga socdaa Somaliland waxaa ku soo badanaya Dhacdooyin Fool xun oo Cawaaqib Xumo ku ah Sumcada iyo karamaada Shicibka Reer Somaliland gudo iyo dibadba, Somaliland waa Dal yar oo Curdin ah oo aan Wali la aqoonsan, Waxaa Mudan in Jiritaankiisa, iyo Nabad galyadiisa la ilaaliyo, Wax kasta oo dhib u keeni karana laga ilaaliyo.

Waxaa Marag ma doon ah In Wakhtiga Doorashooyinka Somaliland ay soo dhawaadaan Xisbiyadu ay Cidiyaha ku dagaalamaan, oo uu midba midka kale isku dayo in uu Awoodiisa Muquuniyo kana dhigo waxa aan Awood badan lahayn, iyada oo ay dhacdo mararka qaar Waxyaabo ka baxsan Anshaxa Ololaha Doorashada.

Waxaa iyana Jirta in Xukuumaddu aanay Ogolay Ololaha iyo Furitaanka Xafiisyada Xisbiyada Mucaaridka ah, Halka ay Xisbiga Taladda hayaa Maalin walba ku mashquulsanyahay Furitaan Xafiis Cusub iyo Taageerayaal ku soo biiray, Balse ay tahay Waxa aad Qofka ka Joojinayso inaad Adigu iska Bilawdo oo aad naftaada ka joojiso, si ay cadaaladi meesha u timaado, Qof walibana Xaqiisa helo.

Hadii aan U daadago Dulucda Mawduucayga Waxaa Dhawaan Idaacada Radio BBC laga sii daayay War sheegaya in Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka UCID ay xidhiidh la leeyihiin, Dawlada somali iyo Qaar kale oo la mid ah, Masuuliyiintaasi .

Si Xun Wax u sheeg Sixir ka Daran,Ucid maaha markii ugu hoysay ee ay Cadaalad Daro, Aflagaado iyo wax la mid ah kula kacdo Masuuliyiin xilal ka hayaha Golayaasha Qaranka Somaliland, iyo Masuuliyiinta Xisbiyada muxaafidka balse waxaa Qofkasta oo damiir wadiniyadeed lihi ka murugooday waxa laga sii daayay Warbaahinta somaliland iyo tan calaamka oo faysal cali waraabe ka hadalay oo u sheega in xidhiidh dhow la sameeyen doonan Dawlada xamr fadhida.

Somaliland mar walba waxay ku faantaa inay Nabad galyo tahay, waxay Geed dheer iyo Geed gaabanba u fuushaa Sidii ay Aqoonsi Caalamiya u heli lahayd,

Shicibka reer Somaliland waxay Khaati ka taaganyihiin Ololaha Caadifaysan ee Muraadku wado oo ay caadaysatay, iyo yooyatanka, Cayda, Aflagaada aan loo aabo yeelayn ee ay iswaydaarsadanayaa Xisbyada Somaliland sidii hablo yarar oo is arki kari la, siyaasadu maaha Cay iyo Aflagaado, Balse waa in Qof waliba Ujeedadiisa iyo hadafkiisa u soo bandhigaa si aan Turxaan lahayn, Dadkuna ku qancaan.

Somalidu waxay tidhaa qofba isha laga arko ayuun baa lagu dhaqmaa, hadii shicibka Reer Somaliland ay ka dhiidhiyayaan Waxyaabaha noocaas oo kale ah, waxay ila tahay Waxbadan oo ku soo socda ayaan lala horyimaadeen.

waxaa jirta in faysal cali waraabe uu cay iyo aflagaado kula duldhaco masuuliyinta somaliland.

Haddal iyo dhamaan Waxaa Waajib ah in Qof walba Xilkiisa lagu ixtiraamo, Karaamada iyo

Sumacadda Somalilandna aan meel lagaga dhicin, Xukuumadana waxaa ku waajiba in ay xilkeeda Gudato balse aanay isku mashquulin wax aan Danta shicibka Somaliland ahayn oo ay ixtiraamaan Dadka ay Codka ka doonayaan ee ay gacmaha hoos haystaan, Qofkasta oo Dambi ka gala Somaliland Ama xukuumada kasta oo somaliland Dambi la gasha waa waxaa u yaala meel

Hadaba somaliland ama shicibka somaliland waa dad aad iyo aad u xadaariya hadii ay helaan hogaan fiican .

Sareeye Xuseen
labadhiile9hotmail.com
Vienna, Austria

Exit mobile version