|
|||||
WAJAALE NEWS
Sheeko kale Keen: Cid Aan Ehel U Ahayn! Cabdisalaam Yaasiin
January 30, 2014 - Written by Wariye:Sheeko kale Keen: Cid Aan Ehel U Ahayn! Cabdisalaam Yaasiin
Rasuulki (NNEKHA) markiiba uma jawaabin ee hadlkii ayuu si waday. Asxaabtii dhegaysanaysay qaar waxay u qaateen in uu su’aasha ninka reer miyiga ah maqlay aanu se jeclaysan. Qaarna waxay u qaateen in aanu su’aasha ninka reer miyiga maqlin. Muddo ka dib se, markii uu Rasuulki (NNEKHA) hadalkiisii dhameeyay, ayuu yidhi, “Mee ninkii saacadda i weydiiyay?” Ninkii wuxu ugu jawaabay. “Wa i kan, Rasuul Allow.” Raasuulki (NNEKHA) wuxu yidhi, “Haddii ay dayacanto amaanadu, saacadda filo.” Ninki wuxu Rasuulka (NNEKHA) u celiyay, “Sidee ayay u dayac maysaa amaanadu?” Rasuulki (NNRKHA) wuxu yidhi, “ Haddii talada loo dhiibo cid aan ehel u ahayn, saacadda filo!!!” COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|