= masar: doorashooyinkii hore ee baarlamaanka waxa si weyn ugu xoog roonaaday kooxaha ikhwaanu-muslimiinta iyo salfiyiinta, oo kala helay 47% iyo 25%. Halka doorashadii M/weynah ay ku soo ururka ikhwaanu muslimiinta waa max?ed muursi oo ah wadaad qunyar socd ah. In kastoo wareegii labaad la sugayo.
115%; font-size: 14pt; mso-bidi-font-size: 12.0pt;”>= Tuunisiya: doorashooyinkii baarlamaanka waxa guul weyn helay xisbiga al-nahda oo ah islaami qunyar socda, wuxuuna helay 51% taaso keentay inay magacaabaan raysal-wasaare Xamaad al-jabaali, oo isagu ahaan jiray xoghaya guud ee xisbigaasi.
=Morooco: doorashooyinkii ka dhacay dalka morooco waxay guushii si weyn u raacday xisbiga cadaalada iyo horumarinta oo islaami qunyar socd ah. Arrintaasi waxay keentay inuu boqorka dalkaasi soo magacaabo raysal-wasaare islaami ah. Waxaana loo magacaabay c/laahi binkarayn oo aaminsan siyaasad dhexdhexaad ah.
=Liibiya: in kastoo weli aanay doorasho ka dhicin dalk liibiya, oo ay weli xukumaan gole ku meel gaadh ahi, hadana waxa si weyn loo saadalinyaa inay soo baxaan islaamiyiin qunyar socd ahi, waana xisbiga xoriyada, cadaalada iyo horumarinta. Kaasoo saamayn weyn ku lahaa kacdoonkii lagu riday m/weynihii dalkaasi co. Mucamarl-qadaafi.
=yeman: dalka yeman waxa ka dhacay doorasho m/weyne, oo musharax keliya ah, oo aanay cidi la tartamin. Waana m/weyne ku-xigeenkii hore ee dalkaasi. Waxaa dhawaan la saadaalinyaa in la qabto doorashooyinkii baarlamaanka waxaana si weyn loo saadaalinyaa inay 65% ay ku guulaysan doonaan ururka al-islaax oo ah wadaado qunyar socd ah oo awood iyo saamayn xoogan ku leh bulshaweynta dalka yeman.
= kuweyt: wax doorasho ahi kamay dhicin, balse kacdoonadii ka dhacayey dalalka carabtuwaxay ku khasbay inay wax weyn ka bedelaan distuurka iyo golaha xukuumada. Waxaana lagu soo daray kooxihii ugu cuslaa ururka wadaada al-islaax ee sida weyn looga dambeeyo dalkaasi. Waxay awood xoogan ka haystaan jaamacadaha, iskuulada iyo saxaafadda dalkaasi.
= Urdun: sidoo kale wax doorasho ah oo xalaal ahi kamay dhicin, laakiin sida qayrkeed oo kale waxay bedeshay distuurka iyo xukuumadii oo qaab cusub loo soo dhisay. Waxaa lagu soo daray konton wadaad oo islaax ah, kuwaasi oo hogaamiya jaamacadaha dalkaasi, si aan loogu kicin xukuumada amma looga badbaado kacdoon weyn oo dhalinyartu hor-kacayso. Waxaana loo soo dhiibay qorshe ah inay dhalinyarta ka dhaadhiciyaan in dalkoodu la mid ahayn dalalka kacdoon ka socdo oo xukunka loo siman yahay.
= Cumaan: mar dambe ayuu dalkani talaabo weyn qaaday oo uu kaga hortagyo in lagu kaco, amma lagu sanduleeyo inuu doorasho qabto. Dhimihii golayaasha kala duwan ayaa lagu soo daray sideetan macalin oo wax ka dhiga jaamacadaha iyo iskuulada iyadoo laga baqayo inay kacdoon sameeyaan. Dhammaan macalimiintani waa wadaado qunyar socd ah oo aaminsan afkaar dhexdhexaad ah, waxaana lagu magacaabaa al-sabaax. Waxaana la faray inay la socdaan fikirka dhalinyarta si aanay u saamayn dabaylaha is bedel doonka ahi.
= Sucuudi- Arabiya: waa dalka ugu balaadhan bariga dhexe, weli wax doorasho ahi kamay dhicin. Awoodda dalka waxa xoog ku haysta boqortooyo muddo dheer kursiga iska dhaxlaystay, oo isku dhal-dhashay. Dabaylihii kacdoon waxay kaga hortageen siyaasadii dalka oo ay furfureen. Dalkani wuxuu hoy u yahay kooxo wadaado kala duwan iyo afkaar kala duwan oo dhammaantood taageersan boqortooyada. Laakiin qaar diidan way jiraan isma se muujiyeen. Markiiba waxay la shireen wadaadii afkaarta debecsanaa ee la fahmi karayey, oo qaarkood lagu daray xukuumada, halka qaar kalena la siiyey shaqooyin mushahar badan. Ujeedaduna ay tahay inay taageeraan xukunka dalkaasi, oo ay jiheeyaan dhalinyarta si looga baaqsado doorasho iyo kacdoon. Waxa kale oo la laqimay in dalkani ku yaallo meelo barakaysan, oo haddii kacdoon ka dhaco inay khatari soo foodsaari doonto goobahaasi. Ka dib warbaahintii dalkaasi waxa lag bilaabay barnmaamijyo dadka indhahooda lagag jeedinayo kacdoonka iyo doorashooyinka ka socda dalalka carabta.
Qaar ka mid ah Dalalka ay ka jiraan ikhwaanu muslimiin.
Dalka baxrayn
Laanta ururka ikhwaanu muslimiin waxay isticmaalaan magaca Al-islaax. Garabkooda isyaasadeedna waxa la yidhaa Al-Menbar. Waxay noqdeen urur xoogan sannadkii 2012-kii oo ay dhacday doorasho baarlaam waxay ku guulaysteen 8 kursi. Waxay taageeraan dawlada baxrayn.
Dalka suuriya
Laanta ururka ikhwaanu muslimiin waxa la aasaasay sannadkii 1930-kii. Doorashooyinkii dhacay sannadkii 1961-kii waxay ku guulaysteen 10 kursi, balse sannadkii 1963-kii ee dalka suuriya uu inqilaabay xisbiga BACAS, waxa la mamnuucay jiritaankii ururka ikhwaanu muslimiin way ka maquurteen dagaalada ka socda suuriya.
Dalka Joordan
Laanta ururka ikhwaanu muslimiin waxa la aasaasay sannadkii 1942-kii. Waxay la baxeen Hisbut-Tahrir, balse markii dambe waa la mamnuucay xisbigaasi. Markii dambe waxa la sameeyey xisbi cusub oo loogu yeedho dhaqdhaqaaqa islaamiga ah. Wuxuu noqday xisbi siyaasadeed oo caan ah. Waxay leeyihiin kuraas badan baarlamaanka dalkaasi.
Dalka ciraaq
Laanta ikhwaanu muslimiin ee dalka ciraaq waxa la yidhi xisbiga islaamka ee ciraaq. Waxa la aasaasay sannadkii 1960-kii. Laakiin waxa la mamnuucay sannadkii 1961-kii waana wakhigii uu xukunka hayey Abdal-Karim Qaasim. Waxa kale oo cadaadisku sii kordhay wakhtigii xisbul BACAS ee 1963-kii. Markii la riday SadaamXuseen ayay dib isu-habeeyeen oo soo shaac-baxeen. Waxay ka qaybqaateen doorashooyinkii ka dhacay dalka. Imika waxa hogaamiya Taariq Al-Hashmi M/weyne ku xigeenka dalka.
Dalka sucuudi arabiya
Laanta ikhwaanu muslimiin maaha qaar firfircoon oo sucuudiga ayaa cadaadis saaray jiritaankooda. Laakiin waxa loo ogolaa inay dalka joogi karaan, balse waxa lagu amray inay ka fogaadaan saamaynta siyaasada. Markii laga shakiyay inay abaabul wadaan, ayay dawlada boqortooyadu ku eedaysay ikhwaanu muslimiin inay dunida muslimka ah dhib ku hayaan. Sucuudigu wuxuu kula dhaqmaa siyaasad qabow, oo wuxuu la socdaa dhaqdhaqaaqooda.
Dalka Kuweyt
Laanta ikhwaanu muslimiin waxa loogu yeedha HADAS. Waxa ku xoogan yihiin baarlamaanka dalkaasi. Waxay xidhiidh fiican la leeyihiin xukuumada dalka kuweyt. Waxay gacanta ku hayaan inta badan jaamacadaha iyo iskuulada dalkaasi.
Dalka yeman
Laanta ikhwaanu muslimiin ee dalkan waxay ku hawlgalaan magaca islaax. Waxay xoog ku leeyihiin ganacsiga, waxbarashada iyo siyaasada. Kacdoonkii lagu riday M/weynihii hore ee Cali Cabdulle Saalax ayay ahayd guushii ugu horaysay ee islaax gaadho. Waxay ahaayeen maskaxdii ka dambaysay kacdoonka ka dhacay dalkaasi. Iyagoo adeegsanaya ardayda dugsiyada, jaamacadaha iyo kuwa ka shaqeeya goobaha ay gacanta ku hayaan. Cali Cabdulle Saalax ayaa ku eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin Al-qaacida sannadkii 2011-kii.
Dalka cumaan
Laanta ikhwaanu muslimiin ee cumaan maaha qaar si fiican u shaqeeya amma firfircoon, waxaana culays saaray Suldaan Qabuus Bin Siciid. Suldaanku wuxuu ka cabsi qabay inay ku sameeyeen kacdoon. Dhawaan ayay ahayd markii la xidhidhay xubno tiro badan oo ikhwaanu muslimiin ah. Suldaan Qabuus ayaa ku eedeeyey inay taageero ka helayaan dadka aan aqoonta lahayn.
Dalka Aljeeriya
Laanta ikhwaanu muslimiin waxa la aasaasay intii u dhexaysay 1953-1954-kii waxay ka qaybqateen halgankii gobonimo doonka ee lagula jiray Faransiiska oo dalkaasi gumaysan jiray. Sannadkii 1962-kii markii xornimada ay qaadatay Aljeeriya ayay is-habeeyeen, balse may noqon urur jira oo firfircoon. Sannadkii 1990-kii markii Aljeeriya laga sameeyey xisbiyada badan, ikhwaanu muslimiin waxay la baxeen dhaqdhaqaaqa nabada ee bulshada. Laakiin ururkani muu noqon mid hanaqaada. Ikhwaanu muslimiinka Aljeeriya way diideen dagaalkii ay wadeen kooxda FIS ee dagaalka kula jirtay dawlada Aljeeriya.
Dalka Suudaan
Laanta ikhwaanu muslimiin xoog badan ayay ku leeyihiin dalka suudaan. Waxa la aasaasay sannadkii 1949-kii. Waxay gacan saar la leeyihiin M/weyne Cumar Xasan Al-bashir. Taariikhaha qaar ayaa sheegaya inay inqilaabka kula socdeen M/weye Cumar Al-bashir. Xasan Al-Turabi ayaa ah xubinta ugu weyn ee ikhwaanu muslimiinta suudaan hogaamiya. Ihwaanu muslimiin waxay gacanta ku hayaan xarumaha bangiyada, ganacsiga, maamulayaasha jaamacadaha.
Dalka Tuuniisiya
Laanta ikhwaanu muslimiin waxa lagu magacaabaa Al-Nahda, waxana la aasaasay sannadkii 1981-kii. Waana ururka ugu saamaynta badan dalka tuunisiya. Waxay ku soo shaac-baxeen kacdoonkii lagu riday M/weyne Bin Cali. Waxay gacanta ku hayaan goobaha waxbarashada.
Dalka liibiya
Laanta ikhwaanu muslimiin ee dalka liibiya waxa la aasaasay sannadkii 1949-kii. Ururku muu shaqayn karin jirin, oo dawlada liibiya ayaan ogolayn. Waxay soo shaac-baxeen markii la riday kornaly Qadaafi. Waxay la baxeen xisbiga dhimaha cadaalada. Doorashooyinkii ka dhacay dalka waxay ku guulaysteen 17 kursi.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
B.A in journalism
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com