|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaraxyo xoogan oo ka dhacay dalka Masar
January 24, 2014 - Written by Editor:HARGEISA WAJAALENEWS ;Mas’uuliyiinta ammaanka ee Masar ayaa sheegay in qarax weyn uu ka dhacay meel dibedda ka ah xarunta boliiska ee magaalada Qaahira. TV-ga dowladda ayaa sheegay in rasaas la is weydaarsaday kaddib markii uu qarxay baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax Waxaa jiro warar sheegaya in afar ruux ay dhinteen 51 kalena ay ku dhaacmeen, iyadoo qasaare uu soo gaaray dhismaha. Shaqaalaha adeegga gurmadka ayaa la sheegayaa inay goobta yimaadeen.waxaana arintaa xaqiijiyay Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen qiiq ballaaran oo cirka isku shareeray. Ilaa haatan lama oga waxa sababay qaraxaas. Dalka Masar waxaa ka dhacay dhacdooyin ammaan darro ah tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyihii ugu horrey ee si dimuquraadi ah loo soo doortay ee dalkaas, Maxamad Mursi WAJAALENEWS DESK EMAIL;wajalenews@gmail.com. Related posts:Daawo:Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada XIrsi X. Cali Xasan Oo Ka Hadlay Mansabyada ay Ka Heleen Xisbig... Komishanka Xakamaynta Aidska Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay Dadka La Nool Xanuunkan Ee Gobolka Togdh... Wasiir ka tirsan xukumada Siilanyo iyo Agaasime Guud oo isku wasaarada oo dagaal gacan ka hadali dhe... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|