Mudaharaad Balaadhan Oo Ay Isku Yimimaadeen Qaar Kamid Ah Gawaadhida Iskaragooyinka Oo Magaalada Hargaysa Ka dhacay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudaharaad Balaadhan Oo Ay Isku Yimimaadeen Qaar Kamid Ah Gawaadhida Iskaragooyinka Oo Magaalada Hargaysa Ka dhacay.
January 30, 2014 - Written by Wariye:

Hargaysa(Wajaale News):-Qaar kamida ah iskaragooyinka oo maanta mudo haraad baladhan iskugu yimid magalada hargaysa ayaa waxay sheegen inay ka cabanyaan cashuurta oo lagu kor dhiyay awgeed.

DSC00652

geest kale mar aanu makarafoonka la dhaxqaadnay ayaa ay noo sheegeen inay dhibwayni ka haysato xaga xukuumada,

DSC00654

maraanu waxa ka waydiinay qaar kamid ah ayaa waxay yidhaahdeen sidan: anagu hadaanu nahay baabuurta ee iskaragooyinka aad ayaa cashuurta nalogu qaalyeeyay,

DSC00660

waxan sheegeen in ay inay dhibwayini naga haysato sato marista wadooyinka iyo  meelihii aanu  marilahayn  oo aanu   ciida ka soo guraan lahayn  ,waxanay intaas ku dareen inay haatan aanay jirin meel ay ciida ka doonaan mar aanu waydiinay ma,leedihiin goobo ay dawladu idiin jidaysay oo aad ciida ka soo gurataan ayaa waxay sheegeen in aanay jirin.

DSC00655

waxanay intaas ku dareen inay dhacdo mararka qaarkood inay ciida ka soo gurtaan meelo u dhow magalada agteeda sida beeraha ku agyaala dooxa agtiisa oo ay sheegeen in dadka iska leh ay ka iibiyaan.

DSC00663

Nin magiciisa ku soo koobay maxamed ayaa yidhi: dawladii c/raxmaan tuut dawladii maxamed xaaji ibraahim cigaal dawladii daahir riyaale kaahin danta shacabka ayay ka talin jireen

Waxanu dawlaadana ka doonaynaa inay sidii xukumadiihii hore ay u ilaalisaa danta shacabka isaga oo dardaarana u jeediyay xukuumada madaxawayne siraanyo in bulshada xaqeeda ilaaliso fariina u diray cida ay khusayso .

Geesta kale ma,aha markii ugu horaysay ee mudoharaad noocan oo kale ay isku yimaadan iska shatooyinka gaaadiidka ee magalada hargaysa oo ay ka cabanayaan cashuuraha oo lagu kordhiyay awgeed.

Dhinaca kale mar aanu xidhiidh la samaynay waaxada cashuuraha bariga ee jamuuriyada somaliland ayaa ay ka gaabsadeen inay nooga waramaan sida ay wax u jiraan

Abdiqadir Abdirahman Habane

Wajaale News

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS