Masuul Xil sare ka hayey Xisbiga UCID oo xilkii iyo Xubinimadii Xisbigaba iska casilay+muxuu ku sababeeyay iscasiladiisa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuul Xil sare ka hayey Xisbiga UCID oo xilkii iyo Xubinimadii Xisbigaba iska casilay+muxuu ku sababeeyay iscasiladiisa!
January 6, 2014 - Written by Editor:

War-degdeg ah: Masuul Xil sare ka hayey Xisbiga UCID oo xilkii iyo Xubinimadii Xisbigaba iska casilay+Wuxuu ku sababeeyay iscasiladiisa!

hargeisa  wajaalenews

War Saxaafadeed

Ujeedo :- Iska casilaad Xilkii Xoghayaha Arimaha Gudaha ee aan ka hayey Xisbiga UCID iyo Xubinnimadiiba

 

(Runtii waa wax lala yaabo,hadalka Gudoomiyaha  Xisbiga UCID,ee ah  Xisbiyada Macaaridka ah waxay  wada hadalo la furayaan  Dowlada Soomaaliya. Waxaan qabaa in ay haboonayd in marka hore Xisbi ahaan in laga wada tashada,inta lagu dhawaaqin hadalka)

 

  • Ka dib markaan la tashaday  taageerayaashayda. Siyaasadeed.
  • Ka dib markaan arkay in ay  gebi ahaanba meesha ka baxday wada tashigii—wada shaqayntii  iyo istixgelintii Xisbinimo.
  • Ka dib markaan arkay in Xeerarkii – qabdhismeedkii  Xisbiga UCID  ay noqdeen qaar jeebka ugu jira shaqsiyaad gaar ah.

Waxaan go,aansaday in maanta oo taariikhdu tahay   06.01.2014   aan si rasmi ah isaga casilo Xilkii  aan ka hayey Xisbiga UCID ee Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka  Gobolada, Xilkii Guddida Fullinta iyo Xubinnimada Xisbiga  oo la ii magacaabay  12.07.2012.

Ugu dambeyn waxaan halkan uga mahad celiyaa dhamaan  taageerayaasha Xisbiga UCID   meelkasta oo ay joogaanba ,wada shaqaynay mudadii aan Xilka hayey.

 

 

 

 ALLAA                   MAHAD                 LEH

 Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.

                              Xisbiga UCID

COMMENTS
LINKS